2: 360 Jeer.
AKHRISO MAGACYADA:- Saraakiil ka tirsan Maamulka Axmed Siilaanyo oo xabsi la dhigay iyo Murun ka dhashay.
Waxaa Qoray: Qadro Xusein
Wararka naga soo gaaro Magaalada Hargeysa ee Xarunta Maamulka Somaliland, ayaa sheegaya in Ciidamada Ammaanka ay xabsiga dhigeen Saraakiil ka tirsan Maamulka Somaliland.
Saraakiisha ayaa badi waxaa lagala soo baxay guryahooda Habbeenimadii xalay waxaana la dhigay Xabsiga kadib markii lagu soo eedeeyay inay qeyb ka ahaayen Saraakiil la sheegay inay hormuud u ahaayen Foodooyinka iminka ka socda Hargeysa.
Inta la xaqiijiyay Ciidamada ayaa guryahooda kala soo baxay illaa Afar Sargaal oo ka mid ah Ciidamada Maamulka, waana iminka la dhigay Xabsiga weyn ee Magaalada Haegeysa waxaana Saraakiishaasi kamid ah:- Gaashaanle Guure Biriq , Xasan Maxamuud, Saleebaan Xuseen, Gaanshaanle Naasir Qalinle
Afarta Saraakiil ayaa waxaa lagu eedeeyey in ay ka danbeeyaan Qaraxyadii ka dhacay Magaalada Hargeysa oo ay wax ka soo Abaabuleen.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN
SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨