2: 503 Jeer.
Akhriso Magacyada qaar kamid ah Dhalinyaro ay gowr dhow Maxkamadda Gobalka Banaadir xukuno kala duwan ku riday.
Waxaa Qoray: Qadro Xusein
Waxaa gowr dhow ay Maxkamadda Gobalka Banaadir xukuno kala duwan lagu riday dambiilayaa lagu helay faldambiyeedka ay geysteen.
Xaanshi Cilmi Nuur, oo ah Guddoomiyaha Maxkamada Gobalka Banaadir, ayaa waxa uu sheegay in ragaasi gowr dhow la xakumay ay ku heleen Kiisaskii lagu raadinaayay.
Wuxuu sheegay in dhalinta xakunka lagu riday gowr dhow lasoo gabagabeeyay Kiiskooda isla markaana lagu riday xukunka ay muteysteen.
Dhanka kale, Wuxuu sheegay inay gaarayaan ilaa Sodon ruux dadka maanta maxkamada lasoo taagay qaarkood xukuno Sanado ah lagu riday.
Raga maanta xukunka lagu riday ayaa qaarkood lagu eedeeyay falal kufsi ah iyo dhac hanti dadweyne ah oo ay geysteen.
Qaar kamid ah dadka xukunada lagu riday ayaa waxaa kamid ah magacyadooda.
1- Cumar Sheikh Siidoow waxaa lagu xukumay 20-sano oo xarig ah iyo 20-Milyan oo shilin Soomaali ah.
2- Maxamed Nuunoow Aadan waxaa lagu xukumay 10-sano oo xarig ah iyo toban malyan.
3- Maxamed Abuukar dib ayaa loo dhigay dacwadiisa.
4- C/xamiid waxaa lagu xukumay 3-sano oo xarig ah.
5- Axmed C/laahi Xasan waxaa lagu xukumay 10-sano oo xarig ah iyo 10-milyan oo shilin Soomaali ah.
6- Abuukar Maxamed Cali 5-sano xarig iyo shan milyan oo xarig ah
7- Bashiir Xasan Nuur 8-sano oo xarig ah ayaa lagu xukumay.
Sidoo kale, waxa ay Maxkamada ay fasaxday Saddex kamid ah raga maxkamada lasoo taagay kadib markii cadeyn rasmi ah loo waayay kiiskooda.
Dadka ay Maxkamada dib dhigtay ayaa waxaa la filaaya in iyagana dib Xukunkooda loo fuliyo.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN
BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨