2: 856 Jeer.
AKHRISO MAGACYADA. Khilaafka Xassan Sheekh iyo Ra’isul-wasaare C/weli Sheekh oo ka dhashay in Golaha Wasiirada laga saaro Laba Wasiir ‘’Waa kuma wasiiradaasi’’
Waxaa Qoray: Qadro Xusein
Illo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ku sugan Villa Somalia, ayaa shabakadani u xaqiijiyay in Khilaafka Madaxweynaha Jamhuuriyada Xassan Sheekh iyo Ra’isul-wasaare C/weli Sheekh Axmed uu ka dhashay kadib markii Ra’isulwasaaraha uu wacad ku maray inuu xilka kawada xayuubinaayo Gabi ahaan Wasiirada Dowlada.
Illo wareedku waxa ay tibaaxayaan in Kulan dhowr saac qaatay uu dhex maray Madaxweynaha Dalka iyo Ra’isulwasaaraha, kaasi oo lagu lafa guraayay Isku shaan-dhey la damacsan yahay in maalmaha soo socda lagu sameeyo Golaha Wasiirada, waxaana la sheegayaa in RW uu diiday in lasoo celsho Wasiirada hadda ka tirsan DFS.
RW C/weli ayaa waxa uu Madaxweynaha dhagtiisa ku dhibciyay inuusan sameyn doonin wax la yiraahdo isku shaandheyn balse uu ku dhaqaaqi doono badal guud oo lagu sameeyo Gabi ahaan Wasiirada, waxa uuna Ra’isulwasaaraha taasi usii daba dhigay Madaxweynaha in Wasiirada Cusub ee la keeni doono ay u badnaan doonaan Qurba jog isla markaana, isagoona intaa kusii daray in Wasiirada soo socda aysan kamid ahaan doonin Wasiirka Caddaaladda, Faarax Sheekh C/qaadir Maxamed iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federalka, C/llaahi Goodax Barre, Hayeeshee taasi waxa ay moral jab ku riday Madxaweynaha maadaama uu RW adeegsanaayo awaamir adag Saaxadana uu ka saaray Faarax C/qaadir oo ah Maskaxda Xassan.
Diidmada RW uu diiday Labada Wasiir ee Faarax Sheekh C/qaadir Maxamed iyo C/llaahi Goodax Barre, waxa ayna taasi dab iyo basin usii noqotay Khilaafka Madaxweynaha iyo RW C/weli, wallow ay jiraan Siyaasado hoose oo u jinaayo in Labada Mas’uul ay noqon karaan kuwa isu soo dhawaan kara maadama Xassan Sheekh uu heysto Fursadii ugu dambeysay.
Xassan Sheekh ayaa waxa uu iminka xalinta Khilaafkaasi u xil saaray Gudi hoosaad oo iyagu u badan Xildhibaano, waxaana jiro warar hoose oo sheegaya in Xassan Sheekh uu RW ka dalbaday inuu dib usoo celsho Faarax Sheekh inta kalane uu bedel ku sameeyo, waxaana muuqaneyso in RW ay ku adkaaneyso inuu xil kale usoo magacaabo Faarax Sheekh, maada dhowr jeer ay isku fahmi waayen Siyaasad dalka.
Lama Oga halka uu ahaan doono biyo dhaca Siyaasadaha is Khilaafsan ee u dhexeeo Madaxweynaha DFS iyo Ra’isulwasaaraha, waxaana muuqaneyso in Xassan Sheekh ay ku xun tahay Siyaasada maadama uu maraayo Ra’isulwasaarihii labaad.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN
SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨