1: Saturday, July 13, 2013 - 14:54:54
2: 1,557 Jeer.

(AKHRISO MAGACA):- Maxaa ka taqaan Raggii isku qarxiyay wadada isku xirta KM-4 iyo garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade.

Waxaa Qoray: Qadro Xusein

hhhh

Sarkaal ka tirsan Xoogaga Alshabaab oo lagu magacaabo C/llahi Xassan oo ku magacdheer Abuu Mohamed, ayaa shabakadda Soomaalidamaanta u xaqiijiyay in Qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay wadada isku xirta KM-4 iyo garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade uu fuliyay Ruux uu Magaciisa ku sheegay C/raxmaan Aadan Cali, waxa uuna sheegay inuu la socday wiil kale oo uu Magaciisa ku sheegay Xassan Cabdi Mohamed.

Sarkaalka waxa uu sheegay in C/raxmaan Aadan Cali uu ka soo jeeday Beesha Habar Gidir halka Xassan Cabdi Mohamed uu isaguna kasoo jeeday Beesha Murusade.

Sarkaalka oo Arrintaani noo xaqiijiyay ayaa waxa uu sheegay inay ku guuleysten Ahmiyada Qaraxaasi isagoona sheegay in Gaariga Qaraxa lagu xiray uu ku dhawaad Saddax Maalin ku sugnaa Lambar Afar balse shalay ay suura gashay in Qaraxa Ismiidaaminta fuliyo.

Sarkaalka ma uusan ka bixin faahfaahin dheeri ah, isaga oona sheegay in Macluumaadka intaa kasii badan ay ku howleyihiin Ragg ka tirsan Kooxda loona baahan yahay in iyaga lagala xiriiro.

Ugu dambeyntii, Abuu Mohamed waxa uu sheegay in Weerarada uusan fara ka qodneyn isla markaana ay damacsan yihiin weerar lama filaan ku ah Xukuumadda Somalia sida uu hadalka u dhigay.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed