1: Saturday, June 8, 2013 - 13:36:22
2: 1,003 Jeer.

AKHRISO:- Axmed Madoobe iyo C/raxmaan Faroole oo Siyaasad cusub isla gaaray.

Waxaa Qoray: Qadro Xusein

faaxmed_1

Illo-Diplomaasiyeed ku sugan Magaallada Kismaayo, ayaa shabakadda u xaqiijiyay in Hoggaamiyaha Raaskambooni Axmed Madoobe iyo Madaxweynaha Maamulka Puntland C/raxmaan Faroole, ay isla meel dhigeen in la baddalo Siyaasadda lala ciyaaraayo Dowladda Somalia.

Anaga oo soo xiganeyna illa-Diplomaasi ah, ayaa waxa ay Xogtu sheegeysaa in Labadaasi Mas’uul oo ay wehliyaan Aasaasayaasha Maamulka Jubbaland isku afgarteen inay Siyaasadda u bedelaan mid dagaal si ay Arrintaasi u noqoto mid ay ku hingowdo Dowladda Somalia, maadaama ay cagta marineyso Dadaalkii loo soo maray Maamulka Jubbaland Garabka Axmed Madoobe.

Xogtu waxa ay hoosta ka xariiqeysa in Dagaalka ka socda Kismaayo uu yahya mid albaabada u furaayo Siyaasadda Cusub ay Mas’uuliyiintaasi isla gaaren, iyadoona Xogta ay nagu soo gaareyso in Afar gaari oo hub ah laga soo diray Magaallada Garoowe ay iminka gaaren Magaallada KIsmaayo, taasoo xoojineysa Dadaalka C/raxmaan Faroole uu ku hurinaayo Siyaasadda Somalia.

Xogta ayaa waxa ay sidoo kale, Shabakaddu kusoo gaareysaa in Axmed Madoobe iyo C/raxmaan Faroole, ay wadaan Qorshe dagaal oo fool-ka-fool ah oo ay la galaan Ciiddamadda Dowladda iyo 5-shanta Madaxweyne ee iyaguna dhawaan is magacaabay.

Ugu dambeyntii, Kulanka Mas’uuliyiintaasi mucaaradka ah ayaa waxa ay ka dambeysay ka gadaal markii uu Madaxweyne Xassan Sheikh caro ka qaaday haddalo is dhaaf-dhafsan ay la hor imaaden Axmed Madoobe iyo C/raxmaan Faroole.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed