1: Wednesday, July 3, 2013 - 17:00:46
2: 1,348 Jeer.

AKHRISO 5-QODOB oo Sii deynta Xassan Dahir shuruud looga dhigay iyo isaga oo ka biya diidan.

Waxaa Qoray: Qadro Xusein

uyuy Warar hoose oo aan ka heleyno Mudane ka tirsan Xukuumadda Somalia, ayaa sheegaya in sii deynta Xassan Dahir lagu xiray 5-Shan qodob oo ku saabsan bixinta Macluumaadka Alshabaab.

Mudanaha ayaa shabakadda u xaqiijiyay in Xassan Dahir uu madaxiisa ku furan karo, Qodobo muhiim u ah Xukuumadda Somalia iyo Sirdoonka Britain iyo Maraykan ee jooga Magaalladda Muqdisho. Mudanaha ayaa waxa uu Qodobadaasi ku kala sheegay sida:-

1- Xarunta ama howdka uu ku dhuumaleysanaayo Hoggaamiyaha Alshabaab Axmed Godane.

2- Mas’uuliyiinta Dowladda ee la shaqeysa Alshabaab ama bixisa Xogta Goobaha la weeraraayo.

3-Halka uu Hubka u soo maro iyo cida dhanka dhaqaalaha ka taageerta.

4-Halka uu ku sugan yahay Afhayeenka Alshabaab Cali dheere.

5-Shanta Xarumo ee ugu waaweyn Alshabaab ku dhex leeyihin Somalia iyo halka ay ku yaallan.

Xukuumadda Somalia, ayaa waxa ay qabashada Xassan Dahir Aweys u aragtaa mid Fursad weyn u ah Dalka oo aan dib usoo mari doonin, iyadoona qabashada Xassan Dahir ay sahli karto in Alshabaab uu burbur ku imaado.

Ugu dambeyntii, Mudanaha ayaa sheegay in Xukuumadda Somalia iyo Sirdoonka ay deysmada Xassan Dahir ku xireen inuu Sahlo qodobada kor ku qoran, haddii ay Dowladda arinkaasi ku gacan seyrt uu Xasan isaguna ku gacan seyraayo sii deyntiisa.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed