(AKHRISO 2-QODOB). Dowladda oo ka caga jiideyso laba kamid ah 5-tii Qodob ay kula heshiisay Nabadoonada beesha Haber Gidir.

¨
Posted on Jul 3 2013 - 1:09pm by Qadro Xusein
3

dtydjr65r45498875534dwetew5dce4

Iyadoo ay Habeennimadii xalay Nabadoonada Beesha Habar Gidir wada hadal Xarunta Madaxtooyadda Villa Somalia kula qaaten Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalia Md. Xassan Sheikh, ayaa waxaa leysla meel dhigay inta kulankaasi uu socday 5-Qodob, Hayeeshee waxaa soo baxaayo warar sheegaya in Xukuumadda Somalia ay ka caga jiideyso Laba qodob oo Heshiiskaasi kamid ahaa.

Qodobada ay ku heshiiyeen Madaxweynaha Jamuuriyada Soomaaliya Md. Xasan Sheikh Maxamuud iyo Nabadoonada beesha Haber Gidir ayaa waxa ay kala yihiin sidatan:-

1- In Xasan Dahir Aweys mudo Isbuuc gudihiis ah laga soo saaro Xabsiga uu iminka ku jiro.

2-In aan Magaalada lagu sii deeynin oo la galiyo xabsi Guri.

3-In loo sameeyo ciidamo Amnigiisa sugo oo Dawlada ka socda waliba aanan eheen kuwo uu isaga keensaday.

4-Intaas ka dib in loo sameeyo Waraaqo iyo Baasaboor si dalka looga masaafuriyo loona dajiyo dal kale oo ay Dawlada Somalia saaxiib dhaw yihiin .

5- Inta uu ku jiro Xabsi guriga Isbuuca ah waxaa u imaan kara soona booqan kara cid alaale iyo cidii qaraabadiisa ah iyo Xaaskiisa.

Dowladda ayaa ka caga jiideysa Laba qodob oo muhiim ah oo aysan awoodin Dowlada inay fuliso iyada oo aan Amar ka heysan Sirdoonka Britain iyo Maraykan ee jooga Xarunta Xalane maadaama Xassan Dahir uu kamid yahay Ragga uu sida gaarka ah u doon-doonayo Maraykanka kana mid ah Ragga u diiwan gishan QM iyo Liiska Argagixisada Caalamka.

Haddaba Xukuumadda Somalia ayaa ka caga jiideysa Labada qodob ee kala ah:-

1-                   In Xasan Dahir Aweys mudo Isbuuc gudihiis ah laga soo saaro Xabsiga uu iminka ku jiro.

2-                   in loo sameeyo Waraaqo iyo Baasaboor si dalka looga masaafuriyo loona dajiyo dal kale oo ay Dawlada Somalia saaxiib dhaw yihiin.

Xukuumadda Somalia, ayaa waxa ay labadaasi qodob u aragtaa in Beesha Habar gidir, ay doonayaan in Xassan Dahir Aweys ka saaraan  gacanta Dowladda taasina ay kasoo horjeedan Sirdoonka uu Xassan Xilligaani gacanta ugu jiro.

Xilliga ay Nabadoonada kulanka Villa Somalia kula qaadanayeen Madaxweynaha ayaa waxaa lagu soo waramayaa in Madaxweynaha Labadaasi Qodob uu madaxa ka luxay isagoona Beesha u sheegay in Labadaasi Qodob ay ka fiirsaneyso Xukuumadda wadatashi ka yeelaneyso balse Qodobada kale la fulin karo.

Ugu dambeyntii Xukuumadda awood buuxda uma laha inay fuliso gabi ahaan Qodobadaasi iyada oo aan la tashi la sameyn Sirdoonka Mraykan iyo Britain ee awood ku leh xiligaani Somalia.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

About the Author
Author Image