1: Thursday, June 27, 2013 - 18:27:12
2: 247 Jeer.

Ahlu sunnah oo wacad ku martay inay weerari doonaan Cadaado iyo iyaga oo ku baaqay in lasoo dhiibo Xasan Daahir.

Waxaa Qoray: Qadro Xusein

jjjjjjjjjjjjjj

Maamulka Culamaa’udiinka Ahlu sunnah Waljamaaca ee gobolada dhexe ee Soomaaliya ayaa ugu baaqay Maamul goboleedka Ximan iyo Xeeb in uu u soo gacan geliyo Sheekh Xasan Daahir Aweys oo maalinimadii shalay ahayd soo gaaray magaalada Cadaado ee xarunta Maamulkaas.

Qaar ka mid ah masuuliyiinta Ahlu sunnah oo u waramay Warbaahinta ayaa sheegay in hadii ay gacanta ku dhigaan Xasan daahir ay hor keeni doonaan sharciga, iyaga oo ku eedeeyay in uu qeyb weyn ka yahay madaxda sare ee Al-shabaab.

Ahlu sunnah ayaa ku dooday in Sheekh Xasan Daahir Aweys uu dagaalo ka geystay gobolada Galguduud ee Soomaaliya. Waxa ayna sheegtay in Al-shabaab ay wado taatikooyin cusub ay ku dooneyso in ay dib ugu soo laabatogobolada dhexe ee Soomaaliya.

Maamulka Ahlu sunnah ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya in ay go’aan ka qaadato arinka Xasan Daahir. Waxa kaloo ay sheegtay in uu saameyn ku yeelan doono xiriirka ay la leeyihiin maamulka Ximan iyo Xeeb waa hadii aysan dhag u dhigin baaqyada ku aadan Xasan daahir ee ay u soo jeediyeen.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed