2: 632 Jeer.
Ahlu Sunnah oo daboolka ka qaaday Mowqifkooda ku aadan Xassan Daahir Aweys.
Waxaa Qoray: Qadro Xusein
Wararka aan ka heleyno Gobolada dhexe ee dalka ayaa sheegaya in ururka Culamaa udiinka Ahlu Sunnah Waljamaacah ee Gobolada Dhexe ay uga digeen Maamulka Ximan iyo xeeb in ay magan gelyo siiyaan Xasan daahir.
Ahlu sunnah wal Jamaacah ayaa sheegay in aanu isasoo dhiibin Xasan Daahir Aweys balse loo yeeray Waxa ayna tilmaameen in uu ka mid yahay hogaamiyayaasha waaweyn ee Al-shabaab kuwaas oo ay la galeen dagaalo dhiig fara badan uu ku daatay.
Saaka ayuu soo gaaray Xasan daahir aweys magaalada Cadaado isagoo ay wadaan ciidamada ka tirsan Maamulka Ximan iyo Xeeb.
Ahlu sunna ayaa aaminsan in Xassan Daahir uusan iskiisa isku soo dhiibin balse ay Maamulka Ximan iyo Xeeb u gacma haatiyeen sidaasina uu Magaallada kusoo galay.
Ahlu sunna waxa ay ku baaqday dagaal ka dhan ah hadii laga dhabeeyo marti galinta Xassan Daahir iyadoona aan la garaneynin sida uu xaalka noqon doono.
Waxaa la xasuustaa in Xasan daahir Aweys uusan ku jirin liiska uu mareykanka dul saaray qaar ka mid madaxda Al-shabaab madaxooda lacago fara badan.
Dadka u kuur gala siyaasadda ayaa hadalo is diidan ka soo saaray halka uu ku dambeyn doono Xasan daahir aweys.
Xasan Dahir Aweys ayaa ka soo baxsaday degmada Baraawe, kadib markii uu iska hor imaad uu ka dhacay, iyadoo Khilaafka kala dhaxeeyay isaga iyo Hogaamiyaha Shabaab.
Waxaa xusid mudan in ururkii burburay ee Xisbul Islaam uu hogaamin jiray Xasan Daahir Aweys xiriir weyn kala dhaxeeyay Dowladda Qadar.
Dhawaan ayay ahayd markii dalka Qadar uu shir dhex dhexaadin ah uga furmay ururka Daalibaan ee ka dagaalama dalka Afgaanistaan iyo Mareykanka.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN
BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨