2: 286 Jeer.
Ahlu sunna oo si jees-jees ah uga hadashay isa soo dhiibida Xassan Daahir Aweys.
Waxaa Qoray: Qadro Xusein
Iyadoo Xassan Daahir uu isu dhiibay Maamulka Ximan iyo Xeeb, ayaa waxaa arrintaasi si jees-jees ah uga hadlay Maamulka Ahlu sunna Wal-jameeca.
Sheekh Cabdi Cali Fiidow oo ah Guddoomiyaha Golaha fulinta ee Ururka Ahlu Sunna,ayaa waxa uu sheegay in isa soo dhiibida Sheikh Xassan Daahir Aweys aysan soo kor dhineynin wax xigmad ah.
Sheekh Cabdi Cali Fiidow oo arintaasi ka hadlaayay ayaa waxa uu sheegay in Ahlu Sunna aysan wax miccno ah ugu fadhin isa soo dhiibida Xassan Daahir Aweys, isagoona tilmaamay in ay kala mid tahay dhalinyarada Al Shabaab kasoo gooosta oo galay gacanta Xukuumadda Somalia.
‘’Isa soo dhiibida Xassan Daahir Ahlu sunna kuma riyaaqsano waxa ayna noola mid tahay shaqsi shabaab ah oo isku soo dhiibay dowladda oo aan soo kordhineynin wax micna ah’’ sidaa waxaa yiri Sheekh Cabdi Cali Fiidow oo inta ku daray in Ahlu sunna ay ka sal-gaareyso sababaha dhaliyay in xiligaani uu isa soo dhiibo Xassan Daahir.
Gudoomiyaha golaha fulinta ee Ururka Ahlu Sunna ayaa sidoo kale sheegay in Ururkooda aanay wax weyn u arkin soo goosashada ama isa soo soo dhiibida Xassan Daahir Aweys.
Ugu dambeyntii, Haddalka Guddoomiyaha kasoo yeeray ayaa waxa uu imaanaya xilli uu Khilaaf ba’an ka dhex taagan yahay Maleeshiyadda Alshabaab waxaana la saadalinaayaa in Saraakiil kale ay kasoo goostaan Maleeshiyadda.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN
BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨