1: Wednesday, July 3, 2013 - 10:39:10
2: 822 Jeer.

Afhayeenkii hore Xisbul Islaam oo ka hadlay Xaaladda Xassan Dahir iyo sida uu uga baxsaday Sirdoonka.

Waxaa Qoray: Qadro Xusein

uyuy

Max’med Cabdi Caruus oo horay u ahaa Afhayeenkii Ururkii Bur-buray Xisbul Islaam, ayaa sheegay in isaga uu ka baxsaday xarigii lagula kacay Sheikh Xasan Daahir Aweys, waxa uuna Carabka ku dhiftay in Wadaadka uu galay Gacanta Cadowga waa sida uu hadalka u dhigayee.

Wuxuu sheegay in isaga uu si xeeladeesan ugu fakaday in uu galo gacanta Cadowga, una suura gashay sidii uu kaga baxsan lahaa.

‘’ Waxa ay doonayeen inay Xabsiga nawada dhigaan balse Alle ma uusan qadarin markii ay diyaarada nala degtay wan ka baxsaday goobta, dibna isha iima aysan saarin’’ sidaa waxaa yiri Max’med Cabdi Caruus, oo intaa ku daray in Xassan Dahir Aweys uu xiligaani la il-daran yahay Xasuuno Saddax ah oo isku biirsaday.

Max’med Cabdi Caruus, waxa uu sheegay in Dowladda aysan wax kala socon xaaladda Rasmiga ah ee uu Xassan Dahir ku sugan yahay, isagoona sheegay in Arrinta Xassan Dahir ay gacanta u gashay Sirdoonka Cadaanka.

Max’med Cabdi Caruus ‘’ Dowlada waxba kalama socto xaaladda Xassan Dahir, waxaa gacanta ku haaya AMISOM iyo Sirdoonka Maraykan iyo Britain’’ Ayuu yiri Max’med Cabdi Caruus.

Ugu dambeyntii, Max’med Cabdi Caruus, waxa uu sheegay in Xassan Dahir uu raashiinka ku cuno Tubooyin yar yar, isagoona sheegay in Xaaladiisu ay liidato.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed