2: 2,636 Jeer.
Yusuf indha Cadde oo sheegay Haddal layaab ku noqday Boqolaal Soomaali ah. (Waa maxay hadalkaasi).
Waxaa Qoray: Qadro Xusein
Yusuf Indha Cadde oo horay uga mid ahaan jiray Xukuumadihii dalka Somalia, ayaa waxa uu sheegay in Xariga Xassan Dahir uu yahay mid qalad ah.
Indha Cadde waxa uu Tilmaamay in Xassan Dahir uu waligiisa ahaan jiray Oday Soomaaliyeed isla markaana yahay Shaqsi ka fog waxa loogu yeero Argagixiso.
‘’Xassan Dahir laguma tilmaami karo Argagixiso waxa uu ahaa Shaqsi la wada garanaayo oo Oday Soomaaliyeed ah’’ Ayuu yiri Yusuf Indha Cadde.
Dhanka kale, waxa uu sheegay inuu Xassan Dahir uu kamid ahaa Culimadda Somalia ugu caansan, isagoona dhanka kale sheegay in lagama maarmaan tahay in Dowladda ay dib u eegto wax qabadkii Xassan Dahir isla markaana ay ku baraarugto inay sii deyso.
‘’ Dowladda waxaa looga baahan yahay inay sii deyso Xassan Dahir waa Sheikh Caalami ah oo aan geysan dhibaato markii laga reebo inta uu ku guda jiray Jihaadka’’ Ayuu yiri Indha Cadde.
Ugu dambeyntii Haddalka Yusuf Indha Cadde, ayaa waxa uu meesha ka saarayaa Xasuuqii ba’naa ee uu Xassan Dahir u geystay Bulshada Soomaaliyeed, taasoo ay fajac ku noqotay Culimada iyo Aqoonyahaanada kadib haddalkii Yusuf Indha Cadee.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN
BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨