2: 90 Jeer.
50-guuradii kasoo Wareegtay Aasaasikii Midowga Afrika oo maanta ka dhaceysa Muqdisho
Waxaa Qoray: jabra
Xarunta Midowga Afrika ee magaalada Muqdisho waxaa saakay ka socota qabanqaabo iyo diyaar garow loogu jiro munaasabadda 50-guuradii ka soo wareegatay asaaska Midowga Afrika.
Garoonka Diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada Muqdisho waxaa ku soo qulqulayay 48-dii saac ee la soo dhaafay wufuud ka socota ururka Midowga Afrika, kuwaasi oo ka qeyb galaya munaasabadda lagu maamuusayo asaaska ururka Midowga Afrika ee ka dhaceysa xarunta Xalane ee ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin oo ah xarunta ugu weyn ee ciidanka AMISOM.
Goobta ay ka dhaceyso munaasabadda lagu xusayo 50-guuradii asaaska Midowga Afrika ayaa waxaa la filayaa inay ka soo qeyb galaan madax ka tirsan Dowladda federaalka Soomaaliya, madax ka tirsan Midowga Afrika iyo wufuud ka socota wadamada deeqaha ku bixiya Midowga Afrika iyo madax ka tirsan Qaramada Midoobay.
Dhinaca kale munaasabadda 50-guurada Midowga Afrika waxaa ka soo qeyb gelaya madaxweynayaal, Ra’iisal Wasaarayaal iyo madax sarsare oo ka tirsan wadamada Afrika iyo urur goboleedyada Midowga Afrika, kuwaasi oo qaarkood khudbado ka jeedinaya munaasabadaas oo saakay ka dhaceysa magaalada Muqdisho.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN
BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨