HALKAN KA RAADSO YOUTUBE AMA HEESO

Waxaa la daabacay: Friday, May 9, 2014 - 15:47:08
Waxaa la aqristay: 328 Jeer.

34-jir Soomaali lagu eedeeyay inuu Al-Shabaab ka tirsan yahay oo Malesia lagu qabtay

Waxaa Qoray:

shababos

Sirdoonka Ciidamada Booliska Malaysia, gaar ahaan qeybta la dagaalanka argagixisada ayaa gacanta ku soo dhigay shaqsi Soomaali ah oo looga shakiyay iuu ka tirsan yahay Xarakada Al-Shabaab ee dalka Soomaaliya.

Wakaalada wararka ee dalka Malaysia ee BERNAMA iyo qaar ka mid ah wargeysyada ugu caansan dalkaas ayaa arrintan wax ka qoray, markii ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee la dagaalanka Argagixisada ay soo qabteen ruux Soomaali ah aan magaciisa la shaacin, balse la rumeysan yahay inuu ka tirsan yahay Shabaab.

Ninkan oo da’diisa tahay 34-jir ayaa muuqaalkiisa lagu soo daabacay jaraa’idyada dalkaas, isaga oo ciidamo wajiyo u xiran ay garbaha ka wadaan, lana qariyay sawirkiisa.

Booliska ayaa sheegay inuu ku socdo baaritaan ruuxa Soomaaliga ee la soo qabtay, waxaana ay sheegeen in xubnaha argagixisada ee ku dhuumaaleysata Malaysia ay qatar ku yihiin ammaanka wadanka.

“Shaqsiga la soo qabtay waxaa ku socda baaritaan, kadib howl gal ciidamada qaaska ah ay ku soo qabteen”ayaa lagu yiri warbixin ka soo baxday dacwad oogaha.

Sidoo kale booliska ayaa gacanta ku soo dhigay 11-ruux oo looga shakiyay deegaanka Selangor, halkaasoo la sheegay inay ku sugan yihiin kooxo xiriir la leh shabakado ka dagaalama Suuriya iyo Koofurta Filibiin.

Wargeysyada dalkaas ayaa sheegay in todobaadyadii u dambeeyay ay dalkaas soo galayeen xubno ka tirsan Shabaab, oo qaarkood qaab arday iyo dalxiis ku soo galayay dalka

Booliska ayaa sheegay inay jiraan xubno ka tirsan Saraakiisha Shabaab oo doonaya inay ka dhigtaan Malaysia saldhig ay ku qariyaan.

Dhinaca kale qaar ka mid ah Wargeysyadaas ayaa sheegay inay dalka ka baxeen, balse booliska ay ku raad-joogaan xubnaha wali ku sugan dalka Malesia.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN

SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨