Dowlada Japan oo shaacisay inay tababaro siineyso Saraakiil ka tirsan DFS

Dowladda Japan, oo isticmaaleysa hay’addeeda horumarinta ee Japan International Cooperation Agency (JICA), ayaa dib u billowday taageerada dhinaca tababarrada ah ee ay u fidineyso saraakiil ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Saddex sarkaal oo ka kala tirsan xafiiska raysul wasaaraha, wasaradda amniga iyo ciidanka booliska ayaa lagu wadaa in ay maanta gaaraan Japan si […]

Madaxweynaha Somaliland oo Warsaxaafadeed uga Hadlay Khilaafka Xisbigiisa kulmiye ka dhex jira

Bismilaahi Raxmaani Raxiim Alxamdu lilaah, Wasalaatu Salaamu Calaa Rasuulu laahi. Dhamaan waxaan salaamayaa bulshada Somaliland gudo iyo debedba, waxaan jecelahay in aan wax ka idhaahdo labo shay oo inagu cusub, kuwaas oo ah: A) Amaanka, iyo Qaraxyada inagu soo kordhay. B) Khilaafka Xisbiga Kulmiye Nabadgelyadu waa shay ku qaaliya umada reer Somaliland, waxay usoo mareen […]

23-ka Xiddig kama dambeysta ah ee Spain oo lagu dhawaaqay iyo xiddigo laga tagay

Tababaraha Xulka Spain ayaa si kama dambeys ah ugu dhawaaqay 23-kiisa ciyaaryahan ee koobka Adduunka ugu qeybgalaya. Waxaa laga tagay weeraryahanka Juventus,labada Man City ee Negredo’s iyo Jesus Navas. Sidoo kale waxaa lagu soo daray Diego Costa, David Villa, Juan Mata iyo Cesc Fabregas . Liiska kama dambeynta 23-ka ciyaaryahan Spain Goolhayayaasha: Iker Casillas (Real […]

War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya oo lagu sheegay in AMISOM ay soo bad-baadiyeen Haween badan oo ay Alshabaab afduubteen

War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Maxamed Saalax Annadif, ayaa lagu sheegay in Ciidamada AMISOM iyo kuwa Maamulka KMG ah ee Jubba ay Ururka Al-shabaab kasoo badbaadiyeen ku dhawaad 30 Haween ah oo ay ka afduubteen Deegaanka Bar Caleen ee u dhexeeya Garoonka Diyaaradaha iyo Magaalada Kismaayo. Maxamed […]

Weerar cirka iyo dhulka isugu jira oo lagu qaaday Saldhigyo Alshabaab ay ku lahaayeen duleedka Magaalada Kismaayo

Warar naga soo gaaraya deegaanka Buulo Guduud oo dhaca duleedka magaalada Kismaayo, ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsanaa Maleeshiyaadka Raaskambooni iyo Kenya ay weerar circa iyo dhulka isugu jiro ku qaadeen Deegaano halkaasi ku yaallo oo ay ku dhuumaaleysanayeen Alshabaab. Wararka ayaa waxa ay intaa kusii darayaa in Weerarkaasi ay ka qeybqaateen Diyaaradaha dagaalka ee […]

Wararkii ugu dambeeyay ee Dagaalkii ka dhacay dagmada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan.

Warar dheeraad aha ayaa kasoo baxaayo Iska hor imaad khasaaro geystay oo maanta ciidamada dowladda kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo xarakada Al-Shabaab ku dhex maray duleedka dagmada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan. Wararku waxa ay sheegayaan in Dagaalka uu ahaa mid ka qarxay Degaanada Dhabdey iyo Ceelwade oo ku dhawaad 20KM dhinaca Koonfureed kaga […]

Xildhibaanadii ku baaqay is Casilaada Xassan Sheekh oo maanta yeeshay kulan aan caadi aheyn

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa  wax lagu xumaado ku tilmaamay qoraal dhowaan ka soo baxay urur goboleedka IGAD, Q.M iyo midowga Yurub, kaas oo  sheegayay in madaxda dalka  iyo hay’adaha dowladda in  ay joojiyaan khilaafaadka hareeyay madaxda dowladda. Kulan maanta ay ku yeeshen magaalada muqdisho, xildhibaanadan ayay ku sheegeen in aan la aqbali doonin  in  dib lagu soo xaliyo […]

Gacan ku-dhiiglayaashii Xagjirka ahaa ee Toogtay Nafiso Cismaan Salaad oo Dil lagu xakumay

Maxkamadda darajada koowaad ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta xukun dil iyo mid xabsi ah ku fulisay seddex ruux oo midi haweeney tahay, kuwaasi oo ku eedeysnaa dilka gabadh ardayad ah oo Muqdisho lagu dilay. Maxamed Cabdi Casiis Shaafici iyo Xasan Salmaan oo Maxkamada ku eedeysay inay ka danbeeyeen dilka Gabar lagu magacaabi jiray Nafiso […]

Shriwaynihii ururka Umis ee sanadka 2014 ka SAWIRO+

Waxaa shalay lugu qabtay hoolka shirarka ee Tjärnaängskolan shir sanadeedkii ururka Umis ee sanadka 2014 ka. Shirka oo ahaa mid aad loosoo agaasimmay ayna aksoo qaybgaleen qiyaastii 230 qof oo jaaliyadda soomaliyeed ee magaalada daggan katirsan iyo masuuliyiin kasocdo magaalada Borlänge iyo sidoo kale dhakhaatiir iyo xirfadlayaal kala duwan ururkana kala qaybqaatay waxqabadkiisa rasmiga ah. […]

Golaha shacabka ee Baarlamaanka oo weerarkii xarunta kadib maanta kullamo isugu yimid

Waxaa maanta markii ugu horreysay kulan isugu imaaanaya mudanayaasha baarlamaanka federaalka ee Soomaaliya tan iyo wixii ka dambeeyay markii weerar lagu soo qaaday toddobaadkii hore (maanta oo kale) xilli ay ku jireen shir. Baarlamaanka federaalka ee Soomaaliya ayaa saaka oo sabti ah dib u bilaabanaya kalfadhiyadoodii oo hakad ku jiray. Mudaneyaasha baarlamaanka ayaa la filaaya […]