HALKAN KA RAADSO YOUTUBE AMA HEESO

Sawirro: Aaron Ramsey oo labo gool dhaliyay xilli Arsenal ay garaacday Cardiff City

Kooxda Arsenal ayaa guul fiican ka soo xareystay kooxda Cardiff City oo ay gurigeeda marti ugu aheyd kulan ka tirsanaa horyaalka Premier League. Gunners ayaa 3-0 ku soo macsalaameysay Cadiff iyadoo labo kamid ah goolashaasi ay uga mahadcelisay wiilkii hore ee kooxda Cardiff City ee Aaron Ramsey. Wiilasha Tababare Wenger ayaa hogaanka ciyaarta qabtay 29 daqiiqo […]

Madaxweyne Perez: CR7 waxa uu xirfadiisa ku dhameysanayaa Real Madrid

Madaxweynaha kooxda Real Madrid Florentino Perez ayaa sheegay in Cristiano Ronaldo uu xirfadiisa kubada cagta ku dhameysanayo garoonka Santiago Bernabeu. Xidiga caalamiga ah ee reer Portugal ayaa marar badan lala xiriiriyay in uu dib ugu laabanayo kooxdiisii hore ee Manchester United, laakiin bishii September ayaa 28 jirkan ayaa nolashiisa u hibeeyay Los Blancos isagoo saxiixay […]

Berlusconi: Adriano Galliani maka tagayo kooxda AC Milan

Milkiilaha kooxda AC Milan Silvio Berlusconi ayaa sheegay in Adriano Galliani uu baaqi ku sii ahaanayo kooxda. Galliani ayaa ku dhawaaqay Jimcihii in uu qorsheynayo in uu iscasilo bisha soo socta kaddib marka ay kooxdiisu la ciyaarto Ajax Champions League, waxana uu intaasi ku daray in cadaadis lagu saaray in uu xilka isaga dago muddo […]

Dowladda oo ka hadashay Dagaalkii Dhawaan ka dhacay Taleex

Muqdishu, November 30, 2013 ……… Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaaliga Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa u tacsiyeeyay dhamaan qoysaskii khasaaruhu ka soo gaaray dagaalkii dhawaan ka dhacay degmada Taleex ee gobolka Sool. “Waxaan u tacsiyaynayaa dhamaan qoysaskii khasaaruhu ka soo gaaray dagaalkii dhawaan ka dhacay Taleex: Intii dhimatay Alle ha u naxariisto, kuwa dhaawacaana ha […]

OGEYSIIS Dhiibo Fakirkaada:- Akhristow RW Saacid maka badbaadi doonaa mooshinkan Aan dhamaan ???

Iyadoo ay muddo maalmo ah socdeen Siyaasado isdiidan ayaa waxaa hadda inta badan Shacbiga Soomaaliyeed ay kala taageersan yihiin Madaxweynaha Qaranka iyo Ra’isul wasaaraha Qaranka. Akhristayaasha waxan halkaani ku siineynaa Fursado qaali ah, waxaana u suura galineynaa in Fakiradooda kala duwan ay gaaraan Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha si ay waxbadan uga Ogaadaan halka ay shacbiyadooda […]

Maxaa sababay Fashil Siyaasadeedka maanta ka dhacay Xarunta Baarlamaanka Somalia.

Illo wareedyo ka tirsan Golaha Baarlamaanka Somalia, ayaa shabakada u xaqiijiyay in Fashil ballaaran uu maanta ka dhacay Xarunta Baarlamaanka Somalia. Shabakadda oo xiganeysa Illo wareedka, ayaa sheegaya in Fashilka maanta kadhacay Xarunta Baarlamaanka uu ahaa mid ka imaaday dhanka Xildhibaanada kala taageersanaa Labada Mas’uul, waxa ayna xaqiijiyeen in Fashilka uu ahaa mid ka imaaday […]

Waxbadan ka Ogaaw halka ay gaarsiisan tahay Dhimashada iyo Dhaawicii ka dhashay Dagaalkii kadhacay Degmada Taleex

Waxaa faahfaahin laga helayaa Dagaalkii shalay ka dhacay Degmada Taleex ee Gobolka Sool, kaas oo dhexmaray Ciidamo kala taabacsan Khatumo & Puntland. Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa ka dhashay khasaarooyin kala duwan oo isugu jiray dhimasho & dhaawac, iyadoona warar kala duwan ay kasoo baxayaan khasaaraha Dagaalkii shalay dhacay. Dagaalkii shalay ayaa la […]

Ra’iisul Wasaare Saacid oo Saaka Kulan Balaaran La Yeeshay Daladda Ururka Dhalinyarada Soomaaliya (Soyou):-War-Saxaafadeed+Sawirro

Muqdisho, 30, Nov. 2013…Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirada ayaa saaka kulan balaaran kula qaatay xafiiska Ururka Dhalinyarada Soomaaliyeed ee (SOYOU) oo xaruntoodu tahay magaalada Muqdisho. Kulan kaan ayaa qayb ka ah talaabooyinkii ay xukuumadu ku dhagaysanayso fikradaha dhalinyarada si loo sameeyo barnaamij dhamaystiran […]

Jose Mourinho oo qiray in Wali Guulo Waa weyn uusan lagaarin Chelsea

Tababaraha kooxda Chelsea Jose Mourinho ayaa sheegay in ku guuleysiga Horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan ay gaka muhiisantahay wax waliba oo quseeya kubada cagta. Jose Mourinh oo hadlayay ayaa tilmaamay in Premier League uu sanadka leeyhay xifaalo ka duwan sanadadii hore islamarkaana uu ku farxi hilahaa hadii uu ku guuleysan lahaa. Macalin Mourinho ayaa muujiyay […]

Madaxweyne Xasan oo Madaxtooyada ku Qaabilay Safiir Nigerian ah

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Xassan Sh. Maxamud ayaa maanta Xarunta Villa Somaaliya ku qaabilay  Safiirka Dowladda  Nigeria  Mudane Akin Oyateru. Waxaa kunalkaas qeyb ka ahaa R/Ku Xigeenka ahna Wasiirka arimaha dibadda Marwo Fawzia Yusuf Adam,Wasiir A.F.Okoh iyo Saraakil sare oo booliska Najeeriya ka tirsan waxeyna muujiyeen in ay Nijeeriya ka go’antahay taageeridda dowladda Soomaaliya. Waxaa la ogyahay […]