HALKAN KA RAADSO YOUTUBE AMA HEESO

Inzaghi: Messi & Ronaldo Ma Jabin Karaan Recordkeyga

Laacibkii hore ee AC Milan Filippo Inzaghi ayaa sheegay in recordkiisa goolal dhalinta kulamada Finalka uusan sameyn karin ciyaartoykasta oo aduunka ku nool, xitaa Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo. 40 jirkan ayaa dhaliyay 8gool ciyaaro final ah intii uu ku guda jiray xirfadiisa kubada cagta oo uu u soo dheelay Juventus iyo Rossoneri. Laakiin halyayga […]

Daniel Sturridge: Chelsea Marnaba Ima siin fursad

Weeraryahanka Liverpool Daniel Sturridge ayaa ku eedeeyay Chelsea in aysan siin fursad uu ku soo bandhigo qaab ciyaarka uu hada ku yahay goolal dhaliyaha ugu sareeya Premier League xilli ciyaareedkan. 24 jirkan ayaa shabaqa soo taabtay 13 jeer 63 ciyaarood oo uu ku soo qaatay sadax sano iyo bar uu joogay Stamford Bridge, laakiin si […]

Macalinka Liverpool Rodgers oo shaaciyay waqtiga uu soo laabanayo Philippe Coutinho

Tababaraha kooxda Liverpool Brendan Rodgers ayaa xaqiijiyay in Philippe Coutinho uu diyaar u yahay in uu safto kulanka tobaadka soo aadan horyaalka Premier League ay ka hortagi doonaan Arsenal. Xidiga reer Brazil oo u baahnaay qaliin garabka ah ayaa garoomada ka maqnaa tan iyo ciyaartii Reds ay barbaraha 2-2 ahaa la gashay kooxda Swansea City […]

TOP NEWS:- Madaafiic dukun-daakun maanta looga dhigay Madaxweyne Xassan Sheikh iyo Wafdi uu hoggaaminaayay (Warbixin).

War galabta lagu daabacay qaar kamid ah Warbaahinta Al Shabaab ayaa waxay ku sheegeen in salaadii casir wakhti loo dhawaa weerar madaafiic ah ku garaaceen garoonka diyaaradaha Kismaayo. Ujeedka madaafiicdaasi ayaa Al shabaab waxay ku sheegeen inay ku doonayeen waxyeeleeynta Wafdi uu hogaaminayey Madaxweyne Xasan Shiikh oo maanta gaaray Kismaayo. Al Shabaab ma aysan sheegin […]

Wararkii Ugu Danbeeyay Hadal heynta Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Kubada Cagta

Bisha Janaayo ee sanadka cusub ayaa waxaa furmaya Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda, hase ahaatee kooxaha Yurub ayaa hada sii fiirsanaya ciyaartoydii ay gadan lahaayeen marka waqtigaasi lagaaro. Habada Aqriste waxaan fiirineynaa wararkii ugu danbeysay ee la xiriira ciyaartoyda ay kooxaha waa weyn doonayaan. Barcelona oo ka heleysa Lewandowski Barcelona ayaa beegsaneysa dhawr ciyaartoy oo hada […]

DAAWO SAWIRADDA:- Madaxweynaha Puntland oo Maanta Kala Diray Baarlamaankii Maamulkaasi

Munaasabad lagu kala diray baarlamaanka Puntland ee waqtigiisa xil heyntu uu dhamaaday ayaa maanta lagu qabtay xarunta baarlamaanka ee magaalada Garoowe,waxaana ka soo qeyb galay madaxweynaha maamulka Puntland iyo C/raxmaan Shiikh Maxamed Maxamuud Faroole, guddoomiyahii hore ee baarlamaanka C/rashiid Maxamed Xirsi iyo xubnaha baarlamaanka ee waqtigoodu dhamaaday. Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Puntland C/rashiid Maxamed Xirsi […]

Beckham oo Taageeray Dived Moyes in uu Tababare u noqdo United

David Beckham ayaa ku kalsoon David Moyes in uu yahay Ninka saxda ku ah in uu hogaamiyo Manchester United, inkastoo ay kooxdu la halgameyso dhibaatooyinka horyaalka ah. Kabtankii hore ee xulka England oo dhawaan shaaciyay in uu doonayo in Sir Alex Ferguson uu noqdo macalinka cusub ee kooxda uu gadanayo ee MLS, ayaa rumeysan in […]

Daawo Sawirada. Dhacdo layaab ah oo ka dhacday Magaaladda Milan

Magaaladda Milan oo ah caasimadda labaad ee dalka Talyaaniga, ayaa la kulantay qiso cajiib ah, kadib markii suuq ku yaala Magaaladaas  iyadoo dadku iska shaqaysanayaan isla markaana ay baraadlayihiin, uu marqura hoosta ka soo fuuray Gujis maraayay badda hoosteeda. Arrintan oo naxdin iyo anfariir ku riday dadkii goobtaas ku sugnaa, waxaa lagu warhelay gujiskii oo […]

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray magaalada Kismaayo

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhow gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inuu la kulmo hoggaamiyaasha maamulka KMG ah ee Jubba, si ay u sii xoojiyaan heshiiskii bishii August ee sanadkan ay labada dhinac ku gaareen magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya. Mas’uuliyiin ka […]

Record Lajabiyay: Andrea Pirlo oo Ka Sara Maray Del Piero Dhalinta Laadadka Xurta Ah

Qadka dhexe ee kooxda Juventus Andrea Pirlo ayaa dhaafay oo ka sara maray Alessandro Del Piero marka la fiiriyo Laadadka xurta ah ee (free kicks) ee goolal loo badalay. Alessandro Del Piero ayaa horay horyaalka Serie A uga dhaliyay 22 gool oo ka timid laad xur ah halka Andrea Pirlo uu kulankii xalay dhaliyay goolkiisii 23aad ee […]