HALKAN KA RAADSO YOUTUBE AMA HEESO

Liverpool iyo Man City oo isku haya New Maradona

Liverpool iyo Manchester City ayaa la la xiriirinayaa New Diego Maradona oo ah wiil hadaad aragto aad layaabayso oo u ciyaara kooxda Racing Club magaciisuna waa Luciano Vietto. 19-jiirkan ayaa la la bar bardhigaa mucjisadii hore ee Diego Maradona, waxaana idaacadaha gudaha Spain ay daboolka ka qaadeen in siddeed koox ay kala soo xiriireen kooxdiisa […]

Man United oo qorshaha ku darsatay Candreva

Man United ayaa ku soo laabatay doonista xiddiga qadka dhexe ee Lazia Antonio Candreva. Antonio Candreva ayaa horay United ay u xiiseynaysay xagaagii hore waqtigaas oo uu xilka kooxda shaati gaduuda uu waday Sir Alex Ferguson . Sportmediaset ayaa heshay xog ah in Man United ay guddi u saartay oo la socda xaaladda ciyaaryahanka. 26-jirkan […]

AC Milan oo ku dhawaaqday xiddigaha ay kala hortagayso Ajax

  Xiddigaha Stephan El Shaarawy iyo Riccardo Montolivo ayaa hoggaaminaya safka hore Milan ee ay kala hortagayso talaadada kooxda Ajax koobka Champions League. Ciyaaryahannada wadanka talyaaniga ayaa usbuucyadan ka maqnaa kooxda sababo dhaawac darteed laakiin Massimiliano Allegri ayaa dib ugu yeeray labadoodaba. Mario Balotelli oo ku maqan weli ganaaxii Serie A-da ayaa sidoo kale ku […]

Eden Hazard oo laga wayey xiddigaha Chelsea ee u safray Romania

Faraska kooxda Chelsea Eden Hazard ayaa lasoo warinayaa inuusan ku jirin liiska ciyaaryahannada Chelsea ee goor hore maanta u duulay dalka Romania oo kulan Champions leagu ka tirsan ay ku leeyihiin. Blues ayaa la ciyaari doonta habeen dambe Steaua Bucuresti iyagoo raadinaya guushoodii ugu horreysay ee Champions league kaddib guuldaro oo ay kala kulmeen markoodii […]

Arsene Wenger: “Waa hees inuu noo ciyaaro Robert Pires”

Tababaraha kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa xaqiijiyay inuusan jirin qorshe Robert Pires uu markale kooxdiisa uu ugu soo biirayo kaddib muran ka dheshay tababarkii maalmahan uu la qaadanayay kabiirkan kooxda koowaad. 29-jirkan reer France ayaa lix sano oo guul iyo tamashleyn ah waxaa uu la qaatay kooxda Gunners ka hor inta uusan ka tagin kuna […]

Tababaraha kooxda Ajax: “Mario Balotelli waa Messi kale”

Tababaraha kooxda Ajax Frank de Boer  ayaa ka digay qatar uu ku yahay kooxdiisa Weeraryahanka AC Milan Mario Balotelli marka ay kooxaha ciyaarayaan koobka horyaallada Yurub ee Champions League. Frank de Boer ayaa yiri: “Balo inuu yahay ninka go’aanka ka gaari kara kooxdiisa sida uu horayba Messi Ajax uu kaga dhaliyay saddex gool”. Xiddiga reer […]

Xiddiga Arsenal Jack Wilshere oo shaki laga galiyey kulanka Napoli

Laacibka kooxda Arsenal Jack Wilshere ayaa shaki la galiyay inuu safanayo marka todobaadkan ay kooxdiisa Arsenal iyo Napoli ay ku dagaalayaa tartanka horyaallada Yurub ee Champions league. kubbad qaabeeyaha Gunners ayaa la dhibban dhaawac dhanka anqowga kasoo gaaray. Arsene Wenger ayaa ku dari doona Wilshere kursigiisa keydka Champions league hase yeeshee Tomas Rosicky ayaa isku […]

Xiddiga adduunka ee todobaadka oo la soo saaray

Kaddib wacdaradii todobaadkan uu ka sameeyay ciyaaryahanka Atletic Madrid Diego Costa kulankii Derby Madrid ayaa ka dhigtay inuu noqday yarkan xiddigii ugu wanaagsanaa todobaadkan dhammaan tartamadii ka dhacay Caalamka, sidaas Shabakada Goal.com ayaa ku ogaatay codad ay arruurisay. 24-jirkan ayaa keenay guul ay u haraadsanaayeen dhallinyarada iyo duqowda Atletic Madrid taas oo ah in muddo […]

AC Milan iyo Arsenal oo ku dagaalaya goolhaye Tim Krul

Kooxda Talyaaniga ee AC Milan iyo tan England ee Arsenal ayaa ku dagaali doona marka uu suuqa kala iibsiga albaabada loo furo saxiixa Goolhayaha kooxda Newcastle United Tim Krul. Dhinacyadan ayay dhib weyn ay ka heysataa la’aanta Goolhaye dhameys tiran oo ku filan qabashada darbooyinka ka imaanaya weeraryahannada ka soo horjeeda. Warsidaha Sun waxaa ay […]

Berahino oo qaata sanadkii mushaarka ay todobaadkii helaan Rooney iyo Van Persie

  Layaab ayay noqotay in Saido Berahino  oo goolkii guusha ka dhaliyay Man United todobaadkan uu qaato sanadkii mushaarka ay qaataan todobaadkii labada libaax ee Wararka United Wayne Rooney iyo Robin van Persie . Laakiin lugtiisa ayaa gaarsiisay inuu saddexdii dhibcood ee loo baahnaa u hibeeyo kooxdiisa halka ragga ka qidmada badnaa ay ku fisihilmeen. […]