Jupp Heynckes: “Habeen dambe ayaan muujin doona inaanan nasiib uga badin Barcelona”
Bayer Munich ayaa awood aan laga fileyn la timid lugtii koowaad ee semi final-kii Champions League ,dadka qaar ayaa aaminsan in aheyd ciyaar iska nasiib ah . Tababaraha kooxda Bayer Munich Jupp Heynckes ayaa sheegay in kooxdiisu ay rabto in aduunka ay usheegto in aaney nasiib ku badin lugtii hore marka ay habeen dambe booqddaan […]
Apr 30 2013 | Posted in
Sports | Read More »
Muxuu ka yiri Maamulka Gobalka Banaadir Xiritaankii maanta la xiray Waddooyinka Muqdisho.
Max’ed Yusuf Cismaan Afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxa uu Gowrdhaw ka warbixiyey sababta keentay in maanta la xiro inta badan Waddooyinka Magaaladda Muqdisho. Max’ed Yusuf Cismaan, waxa uu sheegaya in xirnaanshaha wadooyinka muqdisho in ay aheyd baqdin laga qabo falal amni darro oo ka dhaca magaalada, kadib markii Maamulka lagu wargalshay in Guddaha […]
Apr 30 2013 | Posted in
Wararka | Read More »
Villa Somalia oo xilligaani buuqsan iyo Mas’uuliyiin ku qul-quleysa.
Wararka laga helayo Xarrunta Madaxtooyadda Somalia ayaa sheegaya in Xilligaani ay Villa Somalia buuqsan tahay iyadoona ay ku qul-qulayaan Mas’uuliyiin isugu jira Wasiiro iyo Xildhibaan. Wararka laga helayo Madaxtooyadda ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu gowrdhow isugu yeeray Tiro Mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumadda Somalia iyo Saraakiil ka tirsan AMISOM. Ujeedka uu Madaxweynaha isugu yeeray Xubnahaasi ayaan […]
Apr 30 2013 | Posted in
Wararka | Read More »
Masar oo hubeyneysa Dowladda Somalia.
Wararka laga helayo dhanka Wasaaradda Gaashandhiga Xukuumadda Somalia ayaa sheegaya in Dowladda Dhigeeda ah ee Masar ay hub ka kooban noocyo badan ugu deeqeyso Somalia. Hubka loogu deeqayo Somalia ayaa waxa ay ka kooban yihiin Qoryaha Noocyadooda aan waxyeelo u geysaneynin dhulka iyo Shacabka gaar ahaan kuwa waxyeelada ka geysta qaarad ka qaarad, waxa ayna […]
Apr 30 2013 | Posted in
Wararka | Read More »
AC Milan oo beenisay in Balotelli uu sharad ku galay saaxibtiis kulanka caawa
Kooxda AC Milan ee wadanka Talyaaniga ayaa beenisay warar ay shalay qoreen warbaahinta Spain oo sheegayay in Mario Balotelli uu ku sharatamay saaxibtiis kulanka caawa ee Real Madrid iyo Borussia Dortmund. Jariiradaha Marca iyo AS oo ka soo baxa Spain ayaa shalay qoray in Mario Balotelli uu ogolaan doono in ciyaartooyda oo dhan ay hal […]
Apr 30 2013 | Posted in
Sports | Read More »
Thomas Muller oo ka digay soo labashada Messi
Xidiga qadka dhexe ee kooxda Bayern Munich Thomas Muller ayaa uga digay xidigaha ay isku kooxda yihiin mucjisooyinka aan dhamaan ee laacibka aduunka Lionel Messi. Hooyada Jarmalka ayaa habeen dambe booqan doonta garoonka Camp Nou ,xili ay wataan guul iyo goolal 4 ah ,waana xisaabtii kulankii hore. Laakiin Thomas Muller ayaa qiray in xaaladu ay […]
Apr 30 2013 | Posted in
Sports | Read More »
Pique: Real Madrid iney caawa soo baxdo ayaan jeclahay (Sababta Aqri)
Daafaca kooxda Barcelona Gerrard Pique ayaa sheegay in uu jeclaan lahaa in kooxda reer Spain ee Real Madrid in ay cawa usoo baxdo final-ka Champions League ,isagoo iska iloobay cadaawadii labada koox. Real Madrid ayaa marti galin doonta mucjisada cusub ee jarmalka Borussia Dortmund taas oo lugtii hore ee Champions League kaga soo adkaatay 4-1. […]
Apr 30 2013 | Posted in
Sports | Read More »
Warar dheerad ah oo ka soo baxaaya Khilaafka Xassan Sheikh iyo Faroole iyo puntland oo u gudbisay Britain inaysan wax shaqo ah ku laheyn wixii ka soo baxa shirka london.
Waxaa isa so taraya khilaaf xooggan oo soo kala dhexgalay Dowlada Faderaalka Soomaaliya iyo Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland kaasoo yimid markii Garoowe ay ku shireen labada madaxweyne iyo gudiyo ay soo magacaabeen. Waxyaabaha sababay in is faham daro uu soo kala dhexgalo labada dhinac islamarkaana Puntland ku dhawaaqdo inay qaadacday shirka London ayaa wararka […]
Apr 30 2013 | Posted in
Wararka | Read More »
Puntland: Askari Toogasho fulinaayay oo isaga ku dhintay Toogashadda.
Wararka ka imaanaya Magaaladda Boosaaso ayaa sheegaya in Toogasho lagu fuliyay 13-qof uu ku dhintay Askari ka tirsanaa Ciiddamadda Puntland kaasoo la sheegay inuu kamid ahaa askartii fulineysay Toogashadda. Askariga dhintay ayaa waxaa lagu soo waramaaya inay ku dhaceen xabbadihii dilka lagu fulinayay, waxa ayna wararku sheegayaan in Xabadahaasi ay markii hore ku dhaceen […]
Apr 30 2013 | Posted in
Wararka | Read More »
13-Dhalinyaro oo maanta lagu toogtay magaalada Boosaaso.
Tiro Dhalinyaro ka tirsanaa Maleeshiyadda Alshabaab oo ay dhawaan xukunta Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada maamulka Puntland, ayaa waxaa Gowrdhaw lagu fuliyay dil Toogasho ah. Tirada Dhalinyaro ee Togashadda lagu fuliyay maanta ayaa waxaa lagu sheegay inay Ahaayen 13 qof oo la sheegay inay ka tirsanaayeen Dagaalyahoono Alshabaab oo gudaha ugalay Deeganadda Puntland. Dhalinyaradda dilka […]
Apr 30 2013 | Posted in
Wararka | Read More »