1: Wednesday, December 12, 2012 - 09:34:49
2: 825 Jeer.

Yaya Toure “Goolkii Van Persie waxaa uu ahaa sidii in wadnaha toorey la igaga muday oo kale”

Waxaa Qoray:


Laacibka ay ku dhaqaaqdo kooxda Manchester City Yaya Toure ayaa sheegay in goolkii uu Van Persie ka dhaliyay kooxdiisa Axadii uu la mid ahaa in wadnaha toorey laga galiyay oo kale .

City oo ka soo kabsatay labo gool oo uu ka dhaliyay Rooney ayaa daqiiqadihii dhimashada ee ciyaarta waxaa laad xor ah ka dhaliyay Robin Van Persie ,waxaana Toure uu ku tilmaamay dhacdadii ugu xanuunka badneed ee sanadahan uu arko.

“Sida in Mindi/toorey wadnaha la iigaga dhuftay ayaan uga xanuun saday goolkii Van Presie waxaana uu saameeyay dad dhowr million ah oo inaga na taageeraya ayuu laacibka Ivery Coast usheegay jariirada The People .

Laakin Yaya Toure ayaa ugu baaqay saaxibada kooxdiisa in aysan ka niyad jabin loolanka horyaalka waxaana uu wax fudud ku tilmaamay in soo jareen farqiga lixda dhibic ah ee udhaxeeya iyaga iyo United .

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed

¨
















Log in | Designed by Jimcale