HALKAN KA RAADSO YOUTUBE AMA HEESO

Waxaa la daabacay: Tuesday, December 4, 2012 - 19:28:25
Waxaa la aqristay: 455 Jeer.

Yaa ka mid ah Musharaxiinta ugu cad cad xilka Madaxweynaha Maamulka Goboleedka Jubbaland State ?

Waxaa Qoray:


Maalmihi ugu danbeyay waxaa dhagaha Shacabka Soomaaliyeed ku soo laab laabanayay Arrinka ku saabsan Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo ee laga waday Wadanka Kenya balse hada loo soo raray Magaalada Kismaayo.

Howshaan Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo waxaay soo socotay mudo ka badan hal sano waxaana si toos ah gacanta ugu hayay Urur Goboleedka IGAD oo ay horkacayaan Wadamada Kenya iyo Itobiya.

Howshaan oo mudada socotay waxaan wax-badan laga ogaysiin Dowlada Soomaaliya xiligi uu Madaxweynaha ka ahaa Sh.Shariif waxaan sido kale loo joojin Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud oo isagu mujiyay sida uu arrinkaan uga soo horjeedo.

Ayadoo arrimahaan oo dhan ay jiraan ayaa waxaa Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada hoose si xowli ah uga socda ololaha Doorashada Madaxweynaha Jubbaland State waxaana ku baratamaya raxan ka mid ah Siyaasiyiinta ka soo jeeda deegaanadaas.

Musharaxiinta ugu cad cad loona saadalinaayo in ay ku gulaystaan xilka Madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubbaland state ayaa waxaa ka mid ah Col. Maxamed Maxamuud Yusuf Aw-libaax oo asagu ah Gudomiyaha Ahlusunnada Gobolada Konfureed horayna uga mid ahaa 6 saxiixeyaasha Roadmapki lagu dhisay Dowlada hada jirta iyo Gudomiyaha Raskambooni Axmed Madoobe oo asagana ku jira xubnaha ugu cad cad.

Sh Axmed Madoobe oo ah Gudomiyaha Raskambooni oo ayaan halkan idinku soo gudbin doono Taarikhdisa oo kooban .

Sh. Axmed Madoobe waa Guddoomiyaha Raskambooni waxaa uu dhashay 1947 waxaa uu ku dashay dhulka Soomaalida ee ay Itobiya haysto waxaa uu waxbarashadiisa hoose ku soo qaatay isla kilinka 5naad intaasi ka dib waxaa uu u soo wareegay dhanka Soomaaliya waxaana uu soo dagay Degmada qadiimiga ah ee Afmadoow waxbarashadiisa sare waxaa uu ku qaatay Magaaloyinka Afmadow iyo Kismaayo waxaana uu noqday Ganacsade.

Axmed Madoobe waxaa uu siyaasada ku soo biray Xilligi Maxaakiimta Islaamka waqtigaas oo loo magacabay Gudomiyaha Gobolada Jubboyinka ee Maxaakiimta Islaamka,

Sh Axmed Madoobe waxaa uu kaalin weyn ka qaatay qabashada Magaalada Kismaayo hadana waa Gudomiyaha KMG ah ee Mamulka Kismaayo.

Axmed Madoobe ayaa waxaa damaciisa Madaxweynenimada Jubbaland State si weyn ugu taageraya Dowlada Kenya oo ay Ciidamo ka joogaan Gobolka waxaa kale oo si hagar la,an ah u taageraya Maamul Goboleedka Puntland State oo ay dhalasho ahaan isxigaan Axmed Madoobe sidoo kale waxaa macquul ah in u helo codadka qaar ka mid ah dadka deeganka.

Sh. Axmed Madoobe waxaa uu Gobolada Jubboyinka ku haysta Ciidamo badan oo si weyn u tababaran kuwaaso qayb ka qaata la dagaalanka Al-Shabaab iyo Sugida Amaanka Gobolka waxa una hada ku sugan yahay Magaalada Kismaayo.

Taarikh Kooban ayaanu ka soo qadan doona asna Col Maxamed Maxamuud Yusuf Gudomiyaha Ahlusunnada Konfureed.

Col Maxamed Maxamuud Yusuf waxaa uu ku dhashay Gobolka Gedo sanadku marku ahaa 1949 waxaa uu waxbarashadiisa hoose ku soo qatay isla Gobolka Gedo ayado waxbarashadisi sare uu ku soo qatay Schoolka Alaahida ee ku yaalay Magaalada Baydhabo ee gobolka Bay.

Col Maxamed Ow-libaax waxaa uu ku biray Ciidamada Xogga Dalka Somalia waxaa una ka soo shaqeyay inta badan gobolada Somalia balse waxaa uu u badnaa Magaaloyinka Muqdisho, Ceerigaabo, Saylac iyo xuduuda ay Somalia wadagaan Wadanka Jabuuti waxaa una Ciidamada ka garay darajada Gaashanle Dhexe.

Mr Ow-libaax waxaa uu siminaaro iyo Shirar kala duwaan uga qayb galay Wadamada Kenya ,Itobiya, Jabuuti, Denmark ,Italiya,iyo waliba Turkiga ayado inta badan shirarkaasi uu ka soo jeediyay qudbado.

Col Maxamed Maxamuud Yusuf ayaa waxaa uu taagero hagar la,an ah ka helaya Wadamada Itobiya, Jabuuti iyo R.wasaaraha Xukuumadda Somalia Dr Abdi Farah Shirdoon.

Sido kale Col Maxamed Ow-libaax ayaa waxaa uu taagero buuxda ka haysta beelaha Gaaljecel, Biyomaal, Digil iyo Mirifle Cowromaleh,Jareerweyne,Baajuun, Laalkase Darood.iyo Sade Darood,

Col Maxamed Maxamuud Yusuf Aw-libaax ayaa waxaa uu Gobolada Jubboyinka iyo Gedo ku haysta Ciidamo badan oo si weyn u tababaran kuwaas oo dagaalo toos ah la gala Xogaga Al-Shabaab qaybna ka qata sugida Amaanka waxaa hada uu ku sugan yahay Magaalada Kismaayo.

Musharaxiinta kale ee u tagaan Qabashada Xilka Madaxweynaha Jubbaland State

Prof Gandi oo horay u ahaa Madaxweynihi Maamulki Azaaniya ayaa xilkaasi u taagan, waxaana sidoo kale musharaxiinta ka mid ah Gen Cali Madoobe oo horay u ahaa Taliyaha Ciidamada Boliska Somaliyeed marna ahaa Safiirka Somalia u fadhiya Wadanka Tanzania iyo qaar kale oo badan balse sida la qiyaasaayo 4 mudane ayaa wareega ugu danbeeya isku heli doona.

Isku soo wada duubo Doorashada Madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubbaland State ayaa waxaa lagu wada in ay dhacdo 10-01-2013 waxaana intaan la qaban doorashada ka horeeya keenista 185 Ergo oo laga keenayo Gobolka Jubbada Hoose, 175 Ergo oo laga keenayo Gobolka Gedo iyo 125 ergo oo laga keenaayo Gobolka Jubbada dhexe waxana marki ergoyinkan la isku keeno ay ansixinayaan Dastuurka Jubbaland oo horay loo qoray waxay sido kale dooranayaan Madaxweynaha Jubbaland State ayadoo Madaxweynaha uu soo magacaabi doono 3 madaxweyne kuxigeen iyo Gole Wasiiro oo ka kooban 10 xubnood.

Waxaa Qoray
Maxamed Bayow
Nairobi-Kenya

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN

SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨
















Log in | Designed by Jimcale