1: Wednesday, January 2, 2013 - 14:38:27
2: 253 Jeer.

Yaa ka dambeeya weerarada ka dhaca magaalada Gaarisa?

Waxaa Qoray:

Kenya
Dowladda Kenya ayaa ku eedeysay askar horey uga tirsanaa ciidanka dowladdii federaalka ee ku-meel-gaarka ahayd ee Soomaaliya inay ka dambeeyaan weerarrada iyo ammaan-darrada ka jirta magaalada Gaarisa ee xarunta gobolka Waqooyi-Bari Kenya.

Guddoomiyaha degmada Gaarisa Maxamed Macallin ayaa ku eedeeyay dhallinyaro Soomaali-Keenyaan ah oo ka goostay ciidankii dowladdii ku-meel-gaarka ahayd inay ka dambeeyaan xasillooni darrada ka aloosan magaalada.

Askarta ayuu sheegay inay tababar ku qaateen gudaha Kenya si ay uga mid noqdaan dadaallo dowladda Kenya ay ku doonaysay inay ku taageerto dowladdii KMG ahayd.

“Hase yeeshee waxay u adkaysan waayeen dhibaatada dagaalka waxayna dib ugu soo laabteen gudaha Kenya ayagoo hubaysan, ayuu yiri Maxamed Macallin oo u warramayay wargeyska The Daily Nation.

Wuxuu xusay inay dhallinyaradaas qabaan tababarro heer sare ah, loona malayn karo inay ka dambeeyaan dhibka ka jira Gaarisa.

Siddeed ka tirsan booliska Kenya iyo saddex askari oo ka tirsan milateriga ayaa lagu dilay magaalada Gaarisa dabayaaqadii sanadkii hore.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed

¨
















Log in | Designed by Jimcale