1: Sunday, February 3, 2013 - 13:02:40
2: 187 Jeer.

Yaa badis badan Valencia iyo Barcelona kulanka cawa ka hor?

Waxaa Qoray:

messi 0-1622770D000005DC-128_634x387Barcelona ayaa ubaahan in ay faa’iideysato madaama laga adkaaday kooxda Real Madrid xalay ,waxaana ay caawa usafri doonta kooxda Valencia ciyaar ka dhici doonta garoonka Mestalla,iyadoo geeska Afrirka laga daawan doono caawa 9:00 .

 

Kooxda Valencia

Kooxda Valencia ayaa dib uheli doonta weeraryahankeeda Roberto Soldado oo dhaawac ka soo laabtay

Waxaa shaki la galinaya Parejo ,Jonas iyo Nelson Valdez kuwaa oo dhamaantood dhaawacyo qaba.

Kooxda Los Che lagu naaneyso oo gurigeeda uga badisa Barcelona waxaa ugu dambeysay 2008 ciyaar ku dhamaatay 3-2.

 

Kooxda Barcelona
Waxaa ay heystaan xul caafimaad qaba dhamaantiis.

Gerrard Pique ayaa dib ugu soo laaban doona Barca kaasoo kulankii Osasuna ganaax ku maqnaa.

Isaac Cuenca ayaan qeyb ka’aheyn kooxda Bulgarana ee caawa kasoo amah loogu diray kooxda Ajax inta ka dhiman xagaagan .

Boqorka Barcelona Lionel Messi ayaa 11-kulan oo isku xigtay goolal ka dhaliyay la liga.

 

Xusuus kooban

Waxaa ay markii ugu horeysay kulmeen 17-kii bishii Janaayo 1931-dii ,ciyaar ka tirsaneyd La liga oo ku dhamaatay 0-0.

Waa labo koox oo si wanaagsan isku garaneysa.

Horyaallka ayey ku kulmeen 155 jeer waxaana 76 jeer adkaatay Barcelona halka Valencia ay adkaatay 40 jeer waxaana ay bar bar dhac galeen 39 kulan .

Dhamaan tartamada labadan koox ayaa kulmay 165 jeer waxaana 78 adkaatay Barcelona halka Valencia ay badisay 45 ,waxaana ay bar bar dhac noqdeen 42 kulan.
Xidigaha labada dhinac ee lagayabo in lagu soo bilaabo
VALENCIA:- Alves,Pereira, Rami, Ruiz, Cissokho,Albelda, T Costa,Piatti, Banega, Guardado,Soldado

BARCELONA:-Valdes,Alves, Pique, Mascherano, Alba ,Xavi, Busquets, Fabregas,Pedro, Messi, Villa

 

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed

¨
















Log in | Designed by Jimcale