Waxaa la aqristay: 459 Jeer.
Yaa badis badan Manchester City vs Chelsea?
Waxaa Qoray: Abdullahi Osman Farah
Kooxda Blues ayaa waxa ay raadineysaa in ay soo qabato tababare Mancini kooxdiisa iyadoo macalin Benitez wiilashiisa ay kaalinta labaad u dagaalamayan oo hadii ay badiyaan ay hal dhibic ujirsan donaan.
Ogeysiiska ciyaarta
Tartanka : Premier League
Kooxaha: Man City vs Chelsea
Garoonka: Etihad Stadium — Manchester
Garsooraha: A. Marriner
Saacada geeska Afrika: 4:30
Roberto Mancini ayaa u muuqdo mid ka fursad wanaagsan kooxda Chelsea ka dib markii 4-0 ay ku dardareen kooxda Leeds kulan ka tirsanaa koobkaFA Cup iyadoo ay u nasiisay ciyaarahanada kala ah Joe Hart, Gael Clichy iyo Edin Dzeko waxa ay ku badashay ciyaaryahanda kala ah Costil Pantilimon, Aleksandar Kolarov iyo Carlos Tevez balse kulankaan ayaa waxa uu ku soo bilaabi doonoo ciyaaryahanda kala Joe Hart, Gael Clichy iyo Edin Dzeko .
Kooxda City ayaa ayaa wali helin ciyaaryahankeeda iyo kabtankooda Vincent Kompany oo dhaawac kooxda kaga maqan balse hadii ciyaaryahanka soo bogsoodo waxa uu booska kala baxaa ciyaaryahanka Kolo Toure.
Rafa Benitez ayaa doonaya in is badal uu ku sameeyo kooxdiisa ka dib markii uu bar baro lagalay kooxda Sparta Prague koobka Europa League habeenkii khamiista ee la soo dhaafay ciyaaryahanada Frank Lampard, Branislav Ivanovic iyo Ashley Col ayaa dhamaantood loo nasiiyay kulankaas waxa ayna ku soo bilaaban doonaan kulankaan, balse ciyaaryahanda John Obi Mikel, John Terry iyo Ryan Bertrand ayaa iyagana laga yaabaa in ay galaan kursiga keydka .
Eden Hazard oo ciyaar wanaagsan ka soo bandhigay ciyaartii khamiista ayaa kulankaan heli doono in lagu soo bilaabo waxaana laga yaabaa in kursiga keydka loo tuuri doono ciyaaryahanka Oscar oo kulamdii ugu horeeyay helay booska joogtada.
Demba Ba ayaa laga yaabaa in kalikiisuu ku noqdo weerarka ka dib markii Fernando Torres oo ku guul dareystay in uu gool dhaiyo mudooyinkaan.
Xusuus kooban
Manchester City ayaa hal kulan o qura adkaatay afartii kulan ee ugu dambeysay oo ay la yeelatay kooxda Chelsea labo waa laga adkaaday midna barbaro ayay galeen.
Chelsea ayaa adkaaty 10 ka mid ah 12-kulan ay ku soo ciyaartay meel ka baxsan gurigooda hadana waxa ay ka hortageysa kooxda heysata horyaalka loo tartaaya laakiin City ayaa adkaatay sadaxdii kulan ee ugu dambeysay oo ay ku ciyaartay garoonka Etihad Stadium.
Manchester City weerar yahankeed Edin Dzeko ayaa dhaliyay lix gool todobadii kulan ee ugu danmbeysay ee horyaalka Premier League .
Frank Lampard ayaa u muuqda mid sameyn kara in uu gool dhaliyo markiisa shanaad ee is ku xigta waxa ay noqneysaa haduu sameeyo markii sadaxaad uu sidaan sameeyo kadib sanadihii 2005-iyo 2010.
Kooxda Blues ayaa lagu abaal mariyay sideed rigoore xili ciyaareedkad waxa ayna noqotay kooxda loo dhigay rigoorayaasha ugu badan horyaalka .
Yaa badis badan labada koox
Labadan koox ayaa markii ugu horeysay kulamay 7-dii December 1907-dii ciyaar ka tirsaneyd horyaalka oo ku dhamaatay 2-2.
Kooxda Chelsea ayaa booqatay kooxda City 72 jeer waxaana ay guul ka sooo qaaaday 24 jeer .
Horyaalka Premier League ayey labadaan koox ku kulmeen 127 jeer waxaana City ay adkaatay 39 jeer halka Chelsea ay adkaatay 52 kulan waxaana ay bar bar dhac noqdeen 36 kulan .
Dhamaan tartamada labadan koox ayaa iska hor yimid 145 jeer waxaana Man City ay badisay 47 jeer halka Chelsea ay badisay 61 kulan waxaana ay bar bar dhac noqdeen 37 kulan.
xidiga labada dhinac ee lagayabo in lagu soo bilaabo
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN
SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨


