1: Sunday, February 3, 2013 - 13:44:08
2: 224 Jeer.

Yaa badis badan Man City vs Liverpool ka hor kulanka caawa?

Waxaa Qoray:

man vs liverpol
Kooxda difaacaneysa Premier League ayaa caawa soo dhoweyn doonta kooxda Liverpool ciyaar ka dhici doonta garoonka Etihad ee magaalada Manchester ,waxaana dhex dhexaadin doona garsoore Anthony Taylor,iyadoo geeska Afrika laga daawan doono caawa 7:00.

Kooxda Manchester City

Tababare Mancini ayaan heysan xidigii aqlaaqda xumaa Mario Bollateli kaas oo ku biiray Milan .

Kabtan Vincent Kompany ayaa dib ugu soo laabtay tababarka kooxdiisa kadib dhaawac uu garoomada kaga maqnaa.

Daafaca garabka midig Micah Richards ayaa shaki laga galinaya ciyaarta caawa.

Walaalaha reer Toure ee Yaya iyo Kolo ayaa ka maqan City iyagoo wali ka qeyb galaya koobka qaramada Afrika.

Silva ayaa ah ciyaariyahanka ugu badan ee wax ay ka sugto City xiligan.

Kooxda Liverpool

Reds laacibkeeda cusub Phillip Coutinho ayaa la filaya in uu keydka soo fariisto caawa.

Goolhaye Jose Reina ayaa xanuun yar qaba laakin waxaa lo badinaya in uu qaban karo kubbada .

Kabtanka Liverpool Stevan Gerard ayaa ah kubbad sameeyaha kaliya ee daqiiqad kasta ciyaaray kulamada Premier League xagaagan.

Luis Suarez ayaa ah holaca Reds kaas oo 22 jeer shabaqa soo taabtay xagaagan dhamaan tartamada

Xusuus kooban

Waa labo ka mid ah shanta koox ee hada ugu quwada weyn England .

Waxaa ay markii ugu horeysay kulmeen 16-kii September 1893-dii ciyaar ka tirsaneyd Championship-ka England ,waxaana 1-0 ku badisay Liverpool.

Garoonku ay caawa ku ciyaarayaan waxa ay horey ugu kulmeen 83 jeer .

Horyaalka Premier League waxaa ay labadan koox ku kulmeen 149 jeer waxaana Man City ay badisay 39 kulan iyadoo Liverpool ay badisay 72 kulan waxaana ay bar bar dhac noqdeen 38 kulan .

Dhamaan tartamada labadaan koox ayaa kulmay 166 jeer waxaana Man City ay badisay 42 kulan halka Liverpool ay badisay 81 kulan waxaana ay bar bar dhac noqdeen 43 kulan

Xidigaha labada dhinac ee lagayabo in lagu soo bilaabo

MANCHESTER CITY:- Hart,Zabaleta, Nastasic, Lescott, Clichy,Barry, Garcia,Milner, Silva, Aguero,Dzeko

LIVERPOOL:- Reina,Wisdom, Skrtel, Agger, Johnson,Henderson, Lucas,Suarez, Gerrard, Sterling,Sturridge

 

 

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed

¨
















Log in | Designed by Jimcale