1: Saturday, December 8, 2012 - 13:01:28
2: 193 Jeer.

Xukuumada Turkiga oo codsatay in loo sameeyo sanduuq gooni ah ciidamada Somalia

Waxaa Qoray:


Madaxweynaha Turkiga Cabdalla Guul ayaa ku baaqay in la sameeyo sanduuq dhaqaalo loogu uruuriyo ciidamada Soomaaliya si loo xaqiijiyo amaanka dalka, wuxuuna hadalkani sheegay isagoo ka hadlayey codsi uga yimid dowladda Soomaaliya oo ka dalbatay dowladda Turkiga iyo beesha caalamka in gacan laga siiyo dib u dhiska ciidamada dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Turkiga ayaa sheegay inay tahay in la caawiyo Soomaaliya, iyadoo aanan waxba looga bedelaneynin caawinta badalkeeda, ama inay wax abaal gud ah sameyso, wuxuuna intaasi ku daray in dowladda Turkiga intii karaankeeda ah ay gacan siin-doonto sidii ay Soomaaliya cagaheeda isugu taagi laheyd.

Qorshahan ku aadan in sanduuq gaar ah loo furo ciidamada dalka Soomaaliya iyo dib u dhiskooda ayaan la ogeyn in sida ay u rabto Soomaaliya looga jawaabayo, waxaase la sheegay in haddii uu hirgalo qorashani ay ka caawin doonto dowladda Soomaaliya dhinacyada mushaaradka ciidamada iyo agabka ay ciidamadu u baahanyhiin, inkastoo ay arrintaasi saameyn weyn ku yeelaneyso cunaqabtenta hubka ee saaran Soomaaliya, iyadoo ay xusid mudantahay in dowladdihii KMG ahaa ee soo maaray dalka Soomaaliya ay horey ugu tiirsanaayeen deeq bixiyeyaal talo iyo go’aanaba ku lahaa howlgalada dalka ka socday.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed

¨
















Log in | Designed by Jimcale