1: Tuesday, December 4, 2012 - 19:47:25
2: 170 Jeer.

Xukuumada Somalia oo fureysa 15 School oo lacag la,aan ah

Waxaa Qoray:


Ra’iisul wasaare Somalia Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa dib umilicsaday sidii ay wax barashada Somalia aheyd 22 sano ka hor ,isagoo sheegay in ay dadka ufuri doonaan goobo wax barasho oo lacag la,aan ah .

Saaacid waxaa uu sheegay in xiligii dowlada dhexe ee Maxamed Siyaad ay wadanka ka arimineysay in ay jireen in kabadan 320,000 oo qof oo wax ka baran jiray goobaha wax barashada ee bilaashka ah .

Xili uu wadanku ka baxay KMG ayuu ra’iisul wasaare Saacid waxaa uu sheegay in xukuumadiisa cusubi ay dhowaan ka her galin doonto dalka ilaa 15 iskuul oo ay dadku si lacag la,aan ah wax ugu bartaan .

Saacid ayaa dhanka kale ka hadlay arinta Al Shabab waxaana uu sheegay in xukuumadiisu ay ka warheyso in wali ay Al Shabab culees ku hayaan shacabka lagana dul qaadi doono dhibaatadas sida ugu dhaqsiyaha badan.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed
















Log in | Designed by Jimcale