1: Wednesday, January 2, 2013 - 12:30:52
2: 334 Jeer.

Xildhinaano Soomaali ah oo ku xayiran dalka Jabuuti,

Waxaa Qoray:

Xildhibaano-kkk
Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa la sheegay inay ku xanibanyihiin gudaha dalka Jabuuti, kuwaas oo ka baqanaya inay Soomaaliya u soo dhoofaan, waxaana la sheegay inay ka cabsi qabaan inay dhibaatooyin kala kulmaan siyaasiyiin ay lacago laaluush ah ka qaateen xilligii ay socotay loolankii lagu doonayey xilka Madaxweynenimada Soomaaliya oo xildhibaanada ku sugan dalka Jabuuti oo tiro ahaan gaaraya 13-xildhibaan ka dalbaday inay lacagahooda u soo celiyaan maadaama ay u codeyn-waayeen.

Sida ay sheegayaan ilo wareedyo u waramay warbaahinta xildhibaanadan ku sugan Jabuuti loo heysto lacago laaluush ahaa oo xilligii ololaha doorashada madaxtinimada lagu kala qaatay magaalada Muqdisho, taas oo siyaasiyiintii laga qaatay qaarkood ay dalbadeen in lacagahooda dib loogu soo celiyo, maadaama ay balan ka baxyo ku sameeyeen xildhibaanada la heysta.

Mid ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo saaxiib la ah mudanayaasha ku xayiran Jabuuti ayaa sheegay in mudanayaasha ku sugan Jabuuti ay ka cabsi qabaan in haddii ay tagaan magaalada Muqdisho inay la kulmi karaan dhibaateyn maadaama rag siyaasiyiin ah oo musharixiin u ahaa madaxtinimada ay waayeen codadka xildhibaanadii ay lacagaha siiyeen, ayna haatan ka dalbanayaan in lacagahooda dib ugu soo celiyaan.

Siyaasiyiinta qaarkood ayaa la sheegayaa inay hayaan codad iyo qoraalo saxiix leh oo ay xildhibaanada ka sameeyeen markii ay heshiiska la galayeen bishii Sebtembar waqtigii ololaha doorashada uu socday ay hayaan, isla markaansa haddii laga dalbado ceymo ay heli karaan, arrintan ayaa waxay dhinaca kale caqabad ku noqoneysaa shaqada Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo gudoonka baarlamaankana uu marar fara badan ugu baaqay mudanayaasha dalka ka maqan inay dalka ku soo laabtaan si ay u gutaan shaqadooda xildhibaanimo.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed
















Log in | Designed by Jimcale