HALKAN KA RAADSO YOUTUBE AMA HEESO


Waxaa la daabacay: Friday, March 22, 2013 - 10:04:10
Waxaa la aqristay: 809 Jeer.

Xidiga cusub ee Man Utd Wilfried Zaha oo xalay bandhig cajiib ah ka sameeyay kulankii 21 jirada England iyo Romania.

Waxaa Qoray:

Soccer - Under 21's International - England v Romania - Adams Park
Xidiga cusub ee kooxda Manchester United Wilfried Zaha ayaa qaab ciyaareed cajiib ah oo aad loola dhacay uciyaaray kulankii xalay ee 21 jirada England iyo kuwa 21 jirada Romania .

Laacibkaan oo inta xagaagan ka dhiman usii ciyaari doona kooxda Crystal Palace ayaa noqday xidigii ciyaartii xalay waxaana uu daah furay bandhigii goolasha ee xulka 21 jirada Ingriiska .

Zaha oo dhowaan la ganaxay markiii uu af lagadeeyay taageerayasha kooxda Leeds ayaa sidoo kale abuuray ama baasay labo gool oo ay kala dhaliyeen Jack Robinson iyo Nathan Delfouneso waxaana England ay ku adkatay 3-0.

“Wa wiil cajiib ah waxaana hubanti in uu England wax badan utari doono caawana si wanaagsan ayuu usoo dhalaalay ayuu yiri tababaraha xulka 21 jirada Ingriiska Stuart Pearce.

“Lama yaabin waxa dhacay maxaa yeelay qof walba ayaa og shaqsiyadeyda ayuu isna Zaha usheegay BBC-da ciyaarta kadib.

Wilfried Zaha ayaa waxaa uu ku biiri doonaa kooxda Man United marka uu dhamaado xagaagan

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN

SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed

¨
















Log in | Designed by Jimcale