HALKAN KA RAADSO YOUTUBE AMA HEESO

Waxaa la daabacay: Friday, February 22, 2013 - 17:58:03
Waxaa la aqristay: 1,094 Jeer.

Xidiga Chelsea Oscar oo ka hadlay nolashiisa cusub ee England (Muxuu ka yiri luuqada iyo cuntada)

Waxaa Qoray:

oscarLaacibka khadka dhexe ee kooxda Chelsea Ocar ayaa sheegay in uu saldhigtay ciidda wadanka Ingriiska uuna badi la qabsaday nolasha wadanka Ingriiska .

Oscar ayaa gaaray xagaagan magaalada London ,laakin waxaa uu sheegay in uu hada badanaa garanaayo magaalada isagoo si fiican ubartay Galbeedka oo ay ka dhisan tahay kooxdiisa .

21 jirka reer Brazil aya sheegay in uu mararka qaar tago meelaha caanka ee wadanka Ingriiska oo uu saaxibadii ka dalbado in ay magaalada baraan ,laakin marka la fiiriyo mudada uu joogo iyo sida uu ukala bartay uu farqi weyn jiro .

Xaga luuqada ayuu sheegay Oscar in ay dhibaatadiisu soo yaraatay waxaana uu sheegay in uu hada xoogaa fiican ka bartay luuqada English-ka laakin labo ilaa sadex bilood kadib uu sifiican ugu hadli doono.

Cuntada ayuu sheegay in uusan badi ka helin ,laakin ay jiraan cunooyin soo jiitay uuna badana raadiyo cuntooyinka dadka reer Brazil.

Xaga horyaalka ayuu sheegay in kubbada cagta Ingriiska uu la qabsaday uuna rajeynaayo in uu bandhig wanaagssan la yimaado .

“Wax walba waa wanaagasan yihiin ,luuqada, nolasha iyo kubbada is badalo ayaa jira ayuu Oscar usheegay majalada London Evening Standard.

 

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN

SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨
















Log in | Designed by Jimcale