1: Friday, February 22, 2013 - 17:10:19
2: 1,046 Jeer.

Xavi oo Jordi Roura ku eedyay guul daradii AC Milan (SABAB)

Waxaa Qoray:

xavi pl
Xidiga khadka dhexe ee kooxda Barcelona Xavier Hernandez i Creus oo u waramayay Tv-ga NTv2 ayaa markii ugu horeeysay carabka ku dhuftay in laga diiday Shax uu soo bandhigay oo ahaan leheed mid looga taqluusi karay kooxda Ac Milan .

“Guuldaradii naga soo gaartay kooxda Ac Milan eedeeda waxaa iska leh Kalkaaliyaha cusub ee kooxda Fc Barcelona Mr.Jordi Roura maxaa yeelay wuxuu fududeeystay taladii aan soo jeediyay ee eheed in kooxda Ac Milan gurigeeda San-Siro lala dheelo kaliyah Difaac ka dibna garoonka Nou Camp marka ay yimaadaan lala ciyaaro qaab weerar ayuu yiri Xavi.

Talada uu soo jeediyay maalmo ka hor ciyaaryahan Xavier Hernandez i Creus ayaa waxaa ku raacsanaa inta badan Laacibiinta kooxda Fc Barcelona balse Kalkaaliye Mr.Jordi Roura ayaa kaartadaan diiday waana Masuulka looga dambeeyo Tababarka kooxda Fc Barcelona maadaama Macalinkii kooxda Fc Barcelona Mr.Tito Vilanova qaliin lagu sameeyay.

Xavi Hernandez ayaa afkiisa ku qirtay in uu ogaa in Kooxda Ac Milan ay difaac geli doonto waliba ka faaideeysan doonto marka ay xiddigaha Fc Barcelona aadaan dhanka weerarka.

“Ugu yaraan bareejo ayaanu ku soo qaadan karnay garoonka kooxda Ac Milan balse hada taladii wanaagsaneeyd faraha ayay ka baxday oo waxaa inoo muhiim ah inaan iska iloowno wixii dhacay waliba si wanaagsan u dheelno marka ay Ac Milan noogu timaado garoonka Nou Camp ayuu hadalkiisa ku daray.

 

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed

¨
















Log in | Designed by Jimcale