HALKAN KA RAADSO YOUTUBE AMA HEESO

Waxaa la daabacay: Saturday, December 8, 2012 - 15:11:23
Waxaa la aqristay: 154 Jeer.

Xasan Shiekh oo soo laabtay isagoo ka hadlay qaraxii Nairobi

Waxaa Qoray:


Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka kaddib safar uu ku tagay Dalka Turkiga, waxaana markii uu soo gaaray magaalada Muqdisho uu ka hadlay qarixii xalay ka dhacay Magaalada Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya.

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Dalka iyo Wafdigii uu hoggaaminayey oo ay garoonka ku soo dhaweeyeen Ra’iisul wasaaraha Dalka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya kaddib ayuu Madaxweynuhu garoonka kula hadlay bahda Saxaafadda.

Wuxuu ka hadlay Qarixii xalay ka dhacay Magaalada Nairobi ee xarunta Dalka Kenya gaar ahaan meel ku dhow masjidka Al-Hidaaya ee Xaafadda Islii oo ay Soomaalidu ku badan tahay.

Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu uga tacsiyeeyey Madaxda Kenya Shabckii halkaasi kaga dhintay kuwa dhaawaca ahna waxa uu u rajeeyey inuu Alle Caafiyo.

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Dalka Soomaaliya ayaa qaraxyada ka dhacaya Dalka Kenya ku sababeeyey taageerada Dowladda Kenya ay la garabtaagan tahay Shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladda Soomaaliya.

Waxa uu ugu baaqay Madaxweynuhu labada Shacab ee Soomaaliya iyo Kenya inay iska kaashadaan sidii ay u sugi lahaayeen ammaanka Magaalada Nairobi ayna u garab istaagi lahaayeen Ciidamada ammaanka.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu ka hadlay Safarkiisa Dalka Turkiga, waxa uuna sheegay in Madaxda Turkiga ay la soo saxiixdeen hashiisyo caalami ah oo ku aadan horumarinta Dalka Soomaaliya, isagoo xusay in sanadka cusub uu firmi doono waji cusub oo wadashaqeyn ah ee labada Dowladood Soomaaliya iyo Turkiga.

Waxaa Qoray
Haaruun Yuusuf Khasaaro

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN

SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨
















Log in | Designed by Jimcale