Waxaa la aqristay: 172 Jeer.
Xarakada Al Shabab Oo Mar Kale Dadka Soomaaliyeed Baaqay U Jeedisay
Waxaa Qoray: Abdullahi Osman Farah

Gudoomiyihii Shabab ee gobolka banaadir Sheekh Cali maxamed Xussen ayaa mar kale waxaa uu ku celiyay isagoo la hadlayay shacabka soomaaliyeed gaar ahaan kuwa gobolka Banaadir inay ka gaabiyeen taageeradii ay la garab taagnaayeen Shabab .
Sheekh Cali xussen maxamed ayaa isagoo la hadlayay warbaahinta afkooda ku dasha waxaa uu sheegay in shacab soomaaliyeed ay gabi ahaanba ka gaabiyeen doorkii ay ku lahaayeen dagaalada ay kula jiraan ciidamada Dawlada iyo kuwa AMISOM ,taasi oo markii hore shacabku ah ka heli jireen gabaad iyo taageero naf iyo maalba leh .laakinse haatan uu shacabku ay taasi ka sii jeesteen.
Shabab ayaa markii ayaa sanad ka hor ay gabi ahaanba ay iskaga baxeen difaacyadii ay kaga jireen gobolka banaadir ayaa waxaa marba marka ka sii danbeeya ayaa sii wiiqmayay awoodoodii ay ku lahaayeen gobolada konfurta soomaaliya ,iyadoo haatan marba marka kasii danbeeya lagala sii wareegayo goobo hor leh.
Maahan markii ugu horay ee uu shabacka soomaaliyee ay ugu baaqaan Shabab inay kala qayb qaataan dagaalada ay ku jiraan ciidamada Dawlada soomaaliya iyo kuwa AMISOM,iyadoo hada mudo laga joogo 2 bilood uu sidaan oo kale Sh.Cali Maxamed Xussen baaq uu u soo jeediyay shacabka inay ka helaan taageeadii ay uga barteen.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN
SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨