HALKAN KA RAADSO YOUTUBE AMA HEESO

Waxaa la daabacay: Thursday, January 3, 2013 - 16:06:42
Waxaa la aqristay: 129 Jeer.

Xarakada Al-shabaab oo Weerar ku Qaaday Xaflad Aroos oo ..

Waxaa Qoray:

Militants of al Shabaab train with weapons on a street in the outskirts of Mogadishu
Hal qof ayaa ku dhintay tacshiirad ay ku fureen Al Shabaab xaflad aroos oo ka dhaceysay deegaanka Booco ee gobalka Hiiraan.

Xafladan arooska oo xalay ka dhaceysay deegaanka Booco oo ka tirsan gobalka Hiiraan ayaa la sheegay inay ku dhimatay haweenay kamid ahayd dadkii halkaasi ku sugnaa, kadib markii goobtaasi ay rasaas ooda uga qaadeen kooxda Al shabaab ee deegaankaasi ku sugan. Sidoo kale sadex qof oo kale ayaa weerarkan ku dhaawacmay.

Al Shabaab ayaa horey u mamnuucday xaflada Arooska ee habeenkii la qabto ama muusiga laga tumo, mana cada in goobta weerarka lagu qaaday laga tumayey wax muusig ah, balse weerarkan ayaa ah mid ay si weyn uga wada naxeen shacabka ku dhaqan gobalka Hiiraan oo ay qeybo kamid ah weli gacanta ku hayaan xoogaga Al Shabaab.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN

SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨
















Log in | Designed by Jimcale