HALKAN KA RAADSO YOUTUBE AMA HEESO

Waxaa la daabacay: Friday, December 7, 2012 - 10:53:35
Waxaa la aqristay: 231 Jeer.

Xaaladihi ugu dambeeyay ee wadanka Suuriya

Waxaa Qoray:


Ciidamada Dowlada Bashaar Al Assad ayaa duqeyn xoogan ku wada magaalooyinka ku hareeraysan magaalada Caasimada ah ee Dimishiq oo ay kusoo dhawaadeen dagaalyahanada kasoo horjeeda xukuumada.

Dagaal xoogan baa ka socda nawaaxiga Airporka magaalada Dimishiq maalintii 4aad, ayadoo jidka isku xira caasimada iyo airporka caalamiga ah uu go’an yahay.

Dagaalka xoogiisa ayaa ka socda nawaaxiga Airporka Militariga ee Akraba oo ku yaal wadada aada Airporka caalamiga ah ee Dimishiq.

Ciidamada Militariga iyo kuwa cirka ee Siiriya ayaa sidoo kale duqeyn xoogan ku haya magaalooyinka Douma iyo Zabadani oo dhanka waqooyi bari ka xiga magaalada caasimada ah.

Sidoo kale koonfur-galbeedka Dimishiq ayey duqeyn xoogan ka socotaa halkaasi oo ay kusoo siqayaan kooxaha kacdoonka wada..

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN

SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨
















Log in | Designed by Jimcale