Waxaa la aqristay: 254 Jeer.
Wenger oo ka hadlay halista Juventus ee Champions League
Waxaa Qoray: Abdullahi Osman Farax "Raafac"
Macalinka Arsenal Arsene Wenger ayaa aaminsan in camaaliqada reer Talyaani ee Juventus ay tahay halis looga boqo koobka horyaallada Yurub ee Champions League.
Kooxda Old Lady ayaa laga yaabaa inay ku dhacdo kooxo ay ka mid ah Gunners marka la sameeyo isku aadka wareegga 16-ka oo ay soo wada gaareen Juve iyo kooxda macalin Wenger.
Tabbare Wenger, ayaa boga uu wax ku qoro ee Eurosport wuxuu ku sheegay in guusha Juve laga garan karo inay kaalinta 1-aad uga soo baxdo wareeg ay ku wehliyeen kooxo waawayn sida Shakhtar Donetsk iyo Chelsea.
“Yaynaan iloobin Juventus, oo ugu dambayntii soo bixitaankeeda xaqiijisay maalintii ugu dambaysay,” ayuu qoray odaygan Faransiiska ah.
“Qaabka ay kusoo bexeen laftiisa ayaa micne gaara leh – Waa astaan muujinaysa koox wayn oo xaalad niyadeed oo qayrul caadi ah ku sugan. Waana aaminsanahay inay Juventus dib u dhalatay.” ayuu daba dhigay
“Haatan waxaanu taaganahay wareega 16-ka – Oo aad toos u hareeyso– Waxay ila tahay inay Juventus meel dheer gaari karto waayo waa koox dadka ka yaabisa.”
Isku aadka wareegga 16-ka ayaa la sameeyn doonaa Khamiista soo aadan oo ku beegan 20-ka bishan oo haatan todobaad ka dhimanyahay.
Waxayna kooxaha ilaa haatan soo baxay ay kala yihiin…….
Group A: PSG, Porto
Group B: Schalke, Arsenal
Group C: Malaga, Milan
Group D: Borussia Dortmund, Real Madrid
Group E: Juventus, Shakhtar Donetsk
Group F: Bayern Munich, Valencia
Group G: Barcelona, Celtic
Group H: Manchester United, Galatasaray
Juventus waxay ku aadi kartaa: Porto, Arsenal, Real Madrid, Valencia, Celtic andGalatasaray.
Milan waxay wajihi kartaa: Paris Saint-Germain, Schalke, Borussia Dortmund, BayernMunich, Barcelona and Manchester United.
Waxaa Qoray
Maxamed Xaaji
Fakarkaaga ka dhiibo
SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN
SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨
I’ve given you a backlink using one of my page rank 5 web pages, I really hope this is fine.