1: Thursday, December 13, 2012 - 09:17:23
2: 448 Jeer.

Wax walba oo aad rabto in aad ka,ogaato kulanka manta ee Chelsea iyo Monterrey ee Club World Cup

Waxaa Qoray:


Kooxda yurub ka socota ee Chelsea ayaa manta ciyaari doonta Semi Final-ka koobka kooxaha aduunka Club World Cup oo ka socda Japan .

Chelsea ayaa ka hor tagi doonta kooxda reer Maxico ee Monterrey ciyaar ka dhaci doonbta garoonka Nissan Stadium ee magaalada Yokohama .

Kooxda galbeedka london ee Chelsea ayaan heysan kabtankeeda John Terry ,xidigeeda khadka dhexde Oriol Romeu iyo weeraryahankeda Daniel Sturridge,kuwaas oo dhamaan dhaawac qaba.

Weeraryahanka Monterrey Humberto Suazo ayaa ka maqnaan doono kooxdisa waxaana sidoo kale ka maqan Cesar de la Pena iyadoo labaduba ay dhaawac qabaan.

Chelsea iyo Monterrey midi soo baxda ayaa Final-ka la ciyaari doonta kooxda reer Brazil ee Corinthians oo taagan Final-ka .

Macalinka Chelsea Rafa Benitez ayaa ayaa markii sadexaad ka qeyb galaya Club World Cup ,waxaana koobkan ka qaaday 2005-tii kooxda reer Brazil ee Sao Paulo isagoo wata Liverpool ,halka uu 2010 ku guuleystay markii uu garacay kooxda Mazembe ee wadanka Congo.

Hadii uu Chelsea uqaado koobkan waxaa uu noqon doonaa Benitez macalinkii labaad ee ku guuleysta labo jeer koobkan ,waxaana rikoorkaas heysta macalinkii hore ee Barcelona Pep Guardiola.

Farnando Torres ayaa afar gool dhaliyay labadii kulan ee ugu dambeysay waxaana uu ilaa hada dhaliyay 23 gool kadib 92 kulan oo uu uciyaaray Chelsea .

Torres ayaa isku dayay sagaal shuut kulankii Champions League ay kaga horjeedeen kooxda FC Nordsjelland, waxaana ay aheyd isku daygii ugu wanaagsanaa tan iyo markii uu ku soo biiray Chelsea waxaana uu dhaliyay labo gool.

Chelsea ayaa qatarta ugu badan kala kulmi karta Cesar Delgado kaas oo labo gool udhaliyay kooxdiisa kulankii ay ku soo gaareen Semi Final-ka markaas oo ay garaaceen Ulsan Hyundai ciyaar ku dhamatay 3-1.

Koobka kooxaha aduunka ayaa la bilaabay 2000 waxaana ku kulma qaaradaha oo dhan koobabkooda kooxaha soo qaada ,kooxda ugu hanashada badana waa Barcelona oo hanatay labo jeer .

Ciyaartaan waxaa geska Africa laga daawan doonaa 1:30 duhurnimo ,waxaana dhex dhexaadin doona garsoore Carlos Vera oo udhashay Ecuador.

Xidigaha laga yaabo in lagu soo bilaabo labada dhinac

CHELSEA

Cech
Azpilicueta Cahill, Luiz, Cole
Mikel, Lampard
Moses, Mata, Hazard
Torres

MONTERREY

Orozco
Meza, Basanta, Mier, Chavez
Cardozo, Ayovi, Perez, Corona
Delgado, De Nigris

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed
















Log in | Designed by Jimcale