1: Wednesday, December 5, 2012 - 08:48:26
2: 392 Jeer.

Wax walba oo aad rabto in aad ka ogaato kulanka caawa ee Chelsea vs Nordsjaelland.

Waxaa Qoray:


Kooxda difaacaneysa koobka horyaalada yurub ee Chelsea ayaa caawa ciyaar aan la ogeyn natiijadeeda la ciyaari doonta kooxda reer Denmark ee Nordsjaelland.

Chelsea ayaa ubaahan in ay mucjiso ka dhacdo Champions League madaama natiijada soo bixitaanka aaney gacantooda ku jirin waxaana ay ubaahan yihiin in ay adkaadaan sidoo kalana ay Shakhtar garacdo Juventus.

Ogeysiiska ciyaarta

Tartanka :Champions League
Taariikhda: Arbaco 5 December 2012
kooxaha: Chelsea vs Nordsjaelland
Garoonka: Stamford Bridge — London
Saacada geeska Afrika: 10:45
Garsooraha: Bas Nijhuis-oo kasoo jeeda Holland

Line Up-ka Chelsea sida macquulka ah

Cech
Azpilicueta, Ivanovic, Luiz, Cole
Mikel, Ramires
Mata, Oscar, Hazard

Torres

Line Up-ka Nordsjaelland sida macquulka ah

Hansen
Parkhurst, Gundelach, Runje, Mtiliga
Adu, Stockholm
Lorentzen, Christensen, John
Nordstrand

Waxa muhiimka ah ciyaarta ka hor.

Kooxda Chelsea ayaa dib uheli doonta daafceeda David Luiz kaas oo kooxda ka maqnaa kulankii horyaalka ee West Ham kaas oo ku maqnaa ganaax markii ay u aruureen 5 jaale.

Kooxda Chelsea ayaan heli doonin John Terry,Frank Lampard iyo Daniel Sturridge kuwaas oo dhamaantood dhaawacyo uga maqan kooxda.

Chelsea ayaa ubaahan in ay garaacdo Nordsjaelland waxaana ay rajeyneysa in ay Shakhtar Donetsk garaacdo Juventus.

Hadii ay sidaasi dhici weyso Chelsea ayaa noqon doonto kooxdii ugu horeysay ee iyadoo heysta Champions League gaari weysay wareega 16-ka .

Macalinka ku meel gaarka ah ee kooxda Chelsea Rafa Benitez ayaa caawa ciyaari doona kulankiisii ugu horeeyay Champions League tan iyo markii ay 3-0 ku garacday Werder Bremen 2010-kii isagoo watay Inter.

Kooxda martida ah ee reer Denmark ayaa 1 dhibic oo kaliya wadata shantii kulan ee ay ciyaartay Champions League.

Yaa Hari doona yaase soo bixi doona Groupkaan?

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed
















Log in | Designed by Jimcale