1: Saturday, February 2, 2013 - 08:45:04
2: 72 Jeer.

Wax badan ka baro kulanka galabta ee Mainz vs Bayer Munich

Waxaa Qoray:

MainzKooxda hogaamineysa horyaalka Bundesliga ee Bayer Munich ayaa galabta usafri doonta kooxda Mainz,ciyaar ka tirsan horyaalka oo ka dhici doonta garoonka Coface Arena,waxaana dhex dhexaadin doona garsoore Michael Weiner,iyadoo geeska Afrika laga daawan doono galabta 5:30.

Kooxda Mainz

Waxaa ka maqan :- Niko Bungert iyo Eric Choupu-Moting oo dhaawac ,tiiyo ay jirto in Adam Szalai uu ku maqan yahay ganaax.

Kooxda booska shanaad ee MAINZ ayaa ku qasban in ay dooqa weerarka ku soo bilawdo ciyaariyahan Ede.

Kooxda tababare Thomas Tuchel ayaa maalmihii dambe ku fiicneyd kulamada gurigeeda Coface Arena ,laakin dhibaatada ugu badan ayaa ah maqnaashaha ninka ugu goolasha badan kooxdiisa xagaagan oo ah Adam Szalai.

Kooxda Bayer Munich

Waxaa uu heystaa tababare Jupp Heynckes koox dhamaanted caafimaad qabta

Waxaa shaki la galinaya Xherdan Shaqiri oo kaliya.

Kooxda Bayer Munich ayaa xili ciyaareedkaan hal mar oo kaliya laga adkaaday horyaalka Jarmalka waxaana ka adkaatay Bayer Leverkusen.

Xusuus kooban

Labadan koox malahan taariikh dheer oo xaga kulamada ah .

Ciyaarta labadan koox ayaa bilaabatay 24-kii November 2004-tii kulan ka tirsanaa horyaalka Bundesliga ,waxaana 4-2 ku adkaatay Bayer Munich .

Waxaa ay kulmeen 14 jeer dhamaan tartamada iyadoo 13 ka mid ah ay horyaalka tahay

Kooxda Mainz ayaa adkaatay 3 jeer halka Bayer Munich ay adkaatay 9 jeer waxaana ay bar bar dhac noqdeen 2 jeer.

Xidigaha labada dhinac ee lagayabo in lagu soo bilaabo kulankaan

MAINZ:-Wetklo,Pospech, Svensson, Noveski, Diaz,Baumgartlinger, Malli,Muller, Ivanschitz, Caligiuri,Ede

BAYERN MUNICH:-Neuer,Lahm, Dante, Van Buyten, Alaba ,Martinez, Schweinsteiger,Muller, Kroos, Ribery,Mandzukic

 

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed

¨
















Log in | Designed by Jimcale