HALKAN KA RAADSO YOUTUBE AMA HEESO


Waxaa la daabacay: Tuesday, January 29, 2013 - 15:13:20
Waxaa la aqristay: 357 Jeer.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya: “Ninka is qarxiyey Ciidamada Nabad Sugidda ayuu ka tirsanaa”

Waxaa Qoray:

Ciilmooge

Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxa ay ka hashay qarixii nin isku soo xiray waxyaabaha qaraxa uu ka fuliyey aqalka Madaxtooyada Soomaaliya gaar ahaan meel ku dhow Safaaradda Dowladda Itoobiya ee Muqdisho iyo hoyga Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi oo goordhawayd shir jaa’id ku qabtay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in qaraxaas uu fuliyey nin nafti halige ah, islamarkaana ay fashiliyeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya aya hadalkiisa intaa ku daray ka hor inta uusan ninkaasi is qarxin uu toogtay Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya, kaddibana uu qarxay.

Wasiirka Warfaafinta ayaa carka ku dhuftay in ninka is qarixiyey uu horay uga tirsanaa Ciidamada nabad sugidda Soomaaliya balse haatan waxa uu sheegay in shaqadii laga ruqseeyey.

“Qaraxaas khasaaraha ka dhashay haddii aan idiin faah faahin waxaa ku dhintay hal Askari oo ka tirsan Ciidamada Dowladda, Saddex kalena dhaawacyo ayey qabaan, waxaana qaraxaas ka dambeeyey oo soo abaabulay kooxaha nabaddiidka ah balse ciidamada Dowladda ayaa fashiliyey” ayuu warbaahinta u sheegay goordhawayd Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya.

Ilaa iyo hadda ma jiro Cid sheegatay masuuliyadda qaraxaasi Ismidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay meel ku dhow guriga Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN

SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed

¨
















Log in | Designed by Jimcale