HALKAN KA RAADSO YOUTUBE AMA HEESO


Waxaa la daabacay: Saturday, March 9, 2013 - 17:52:23
Waxaa la aqristay: 692 Jeer.

Wasiirka Gashandhiga Somalia muxuu ka yiri hadalkii dhawaan ka soo yeeray Wasiirka Warfaafinta Puntland ?!!!

Waxaa Qoray:

 

Xukuumadda Somalia ayaa jawaab kulul ka bixisay war dhawaan ka soo baxay dhanka Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland kaasoo lagu sheegay in Ciidamadda Dowladda Somalia ay yihiin kuwa ku dhisan qaab Qabiil oo intooda badan ka soo jeeda Koonfurta Somalia.   

Cabdi Xakiin Xaaji Fiqi Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Somalia oo ka carooday Haddalka ka soo baxay wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid  Dirir ayaa beeniyay in Ciidamadda Dowladda Somalia ay yihiin kuwa ku dhisan Hab qabiil, waxa uuna sheegay in Hadalka ka soo baxay Puntland uu ahaa mid mala awaal ah oo aan sal iyo baar ku laheyn qaab dhismeedka Ciidamadda.  

Wasiirka Warfaafinta isgaarsiinta Hidaha iyo Dhaqanka Dowlada Puntland Maxamuud Caydiid  DirirPuntland ayaa dhawaan ka shanqariyay hadal ahaa in ciidamada Dowlada ay yihiin kuwo ka soo jeeda beelaha koonfureed islamarkaana aysan mateli karin somaliweyn, waxaana arrintaasi si cara leh uga jawaabay Wasiirka Difaaca Dowladda Somalia oo sheegay in hadalkaasi uusan ahayn mid ka turjumaaya xaqiiqda.

“waa wax aan la qaadan karin oo laga xumaado warka puntland ka soo baxay islamarkaana xaqiiqda ka fog,ciidamada Soomaaliyeed waxay ka kooban yihiin dhamaan beelaha soomaaliyeed”ayuu yiri wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya.

Dhanka kale Mar uu ka hadlayay Hubka Cabdi Xakiin Xaaji Fiqi Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Somalia ayuu waxa uu sheegay in Xukuumadda Somalia aysan taagneen halkii ay taagnaanjirta, isaga oona Arrintaa ku micneeyay in Dowladiisu ay la jaanqaadeyso Dowladaha Caalamka isla markaana ay awood buuxda u leedahay inay xakameyso Hubka u soo dagaayo Wasaaradda Gaashandhiga.

Haddalka Wasiirka Warfaafinta isgaarsiinta Hidaha iyo Dhaqanka Dowlada Puntland Maxamuud Caydiid  Dirir ayaa kusoo beegmaya xilli Dhawaan la qoonsaday Xukuumadda Somalia isla markaana laga dul qaaday Xayiraada Hubka taasoo ay ka carooden Maamulka Puntland kuna tilmaamen in Xilligaani aysan mudneen in Somalia laga qaado Cunaqabateynta. 

Si kastaba ha ahaatee Jawaabta Dowlada faderaalka ayaa imaaneysa xili dhawaan wasiirka warfaafinta puntland uu sheegay in Xukuumadda Somalia aysan buuxin karin rabitaanka Maamulada ka jira Somalia, Walow Wasiirku uu arrintaa ku degdegay hadana waxaa jira Masuuliyiin ay Xukuumadda u dirtay Puntland si ay Maamulkaasi uga dhaadhacsiiyan Hamiga Xukuumadda ay u leedahay ka amrinta gabi ahaan Dalka Somalia.

Fakarkaaga ka dhiibo

SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN

SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

2 Comments for “Wasiirka Gashandhiga Somalia muxuu ka yiri hadalkii dhawaan ka soo yeeray Wasiirka Warfaafinta Puntland ?!!!”

  1. irshaad

    kkkkk waanka xumahay inuu isagoo masulah waxas kuhadlo waxaan kulatalinlahaa adu masulbadtahay markas waxad tabanayso kalahadal masuliyinta aykhusayso haw hadlin sida shicibka

  2. cade

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk runta ayuu sheegay wasiirka butland wayo waa ciidamo beleed waxa koofur joogo

Comments are closed

¨
















Log in | Designed by Jimcale