Waxaa la aqristay: 467 Jeer.
Wasiirka Gaashaandhigga Kenya Yuusuf Xaaji xilka waan ka tagayaa haddii aan wax laga qaban..
Waxaa Qoray: Abdullahi Osman Farax "Raafac"
Yuusuf Xaaji Wasiirka gaadhaandhigga Dalka Kenya ayaa ku hanjabay inuu is casilidoono haddii aan wax laga qaban dhibaatada lagu hayo shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi.
Wasiirku waxa uu sheegay inaan loo dulqaadan karin dhibaatada ay ciidamada Kenya ku hayaan shacabka Soomaaliyeed ee nool gudaha dalka Kenya isagoo xusay in loo baahan yahay in baaritaan lagu sameeyo qaabka ay ciidamada booliska Kenya u fuliyaan holwgalka ay ka sameeyaan xaafadda Islii ee ay Soomaalidu degan tahay.
Wasiir Yuusuf Xaaji oo ka hadlayey kulan ay la lahaayeen ganacsato iyo waxgarad kale oo Soomaali ah ayaa waxa uu sheegay inuu aad uga xumaaday falalka guracan, dhaca, jirdilka iyo boobka isugu jira ee lagu hayo Soomaalida Islii, isagoo intaasi ku daray inuu u gudbinayo waxyaabihii ka soo baxay kulanka Madaxweynaha dalkaasi Kenya si wax looga qabto.
“Waxaan ku dadaalayaa inaan wax ka qabto marxaladan aan loo dulqaadan karin haddii ay ii suuro geli weysana xilkaan aan hayo waan ka tagayaa” ayuu yiri wasiirka difaaca Dalkaasi Yuusuf Xaaji.
Soomaalida ku dhaqan Kenya ayaa maalmihii dambe waxa ay cabasho ka muujinayeen qaabka ay ula dhaqmaan Ciidamada Kenya iyadoo dhallinyaraddii ku sugnayd Kenya ay inta badan soo gaareen Magaalada Muqdisho markii ay u dul qaadan waayeen dhibaatooyinka lagu hayo.
Fakarkaaga ka dhiibo
SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN
SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

cabdi cade sxb maaha inaad sidaa wax umucarado waayo qiimay kelmeda ninkan ku hadlay waa mid qaali ku ah xaga somalida mida kale hadu bishan dhaco iyo hadii kaleba waa nio masuul sare ah aduunka dhama laga ogyahay adigu ma jaahil baa tahay mise wali baa kugu jirta sxb is daba qabo bisinka uqabo
yuusuf xaaji waxba kama aha meeshaan waaa maqaar saar lakiin wuu mahadsanyahay ,teeda kale hal bila ayaa uga hartay xilkiisa midaasna yanan la ilaawin haduu ka dago iyo haduusan deginba bil kaliaya ayaa u hartay waana maskiin hadalkiisana waxba kama soconayaan xilkana wuxuu ku helayba waa nin anan hadlin madax weynaha danbay utahay ileen asagaa wax walba arimiyo markaa soomaliyey kulaabta aan labano war dhamaaday waaye asc