HALKAN KA RAADSO YOUTUBE AMA HEESO

Waxaa la daabacay: Thursday, January 3, 2013 - 18:45:58
Waxaa la aqristay: 293 Jeer.

Wasiirka arimaha dibbada Somalia Fowsiya Xaaji oo Twitter-ka kula xiriirtay William Hague

Waxaa Qoray:

FOOSRaysul wasaare ku-xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda ee xukuumadda Soomaaliya Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo booqasho ku joogta dalka Britain ayaa lagu wadaa in ay maanta la kulanto William Hague oo ah xog-hayaha arrimaha dibadda ee Britain.

Labada mas’uul ayaa la filayaa inay ka wada hadlaan arrimo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada dal iyo ballaarinta kaalmada Britian ay siiso Soomaaliya.

Waxaa kaloo lagu soo warramayaa inay isla soo qaadi doonaan shir dowladda Ingiriiska ay marti-gelin doonto bisha May ee sanadkan kaas oo looga hadlayo wixii ka qabsoomay shirkii London ka dhacay bishii February ee sanadkii la soo dhaafay.

“Ku soo dhowow Twitter iyo xilka cusub. Waa inoo kulankeenna berri iyo sii wadidda taageerada UK ee Soomaaliya,” ayuu William Hague ku yiri qoraal uu xalay dhigay bogga uu ku leeyahay Twitter.

Marwo Fowsiya ayaa ugu jawaabtay; “Waad mahadsan tahay William Hague. Waan ku faraxsanahay kulankeenna maalinta berri ah. Soomaaliya way idinkaga mahad-celinaysaa taageeradiinna.”

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN

SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨
















Log in | Designed by Jimcale