HALKAN KA RAADSO YOUTUBE AMA HEESO

Waxaa la daabacay: Friday, December 7, 2012 - 18:14:34
Waxaa la aqristay: 142 Jeer.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Tacsi u direysa ehellada marxuum Sabtow.

Waxaa Qoray:


Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxa ay tacsi u direysaa Ehellada,qaraabada,asxaabta iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed geeridii naxdinta laheyd ee ku timid Allah u naxariistee Marxuum Axmed Cabdullaahi Canshuur “Sabtow” oo ahaa Khasnajigii Wasaaradda oo 04-tii bishan December ku geeriyooday Degmada Dharkeynley ee Magaalada Muqdisho ,halkaasoo mudadii ugu dambeysay noloshiisa uu ku xanuunsanayay.

Marxuum Axmed Cabdullaahi Canshuur “Sabtow” oo da’diisu aheyd 52 sano jir ayaa waxa uu ka mid ahaa howlwadeenada kartida iyo hufnaanta leh , isagoo Wasaaradda ku soo biiray sanadkii 2008-dii , waxaana lagu xasuustaa kaalintii wax ku oolka ahaa ee uu kaga qeyb qaatay shirkii lagu dhisay dowladdii Federaalka KMG aheyd ee lagu qabtay deegaanka Embagathi ee Mgaaada Nairobi sanadkii 2004-tii.
Marxuumka oo ku dhashay Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa xilligii dowladdii milatariga kaga mid noqday shaqaalaha dowladda hoose ee gobolkaasi , waxaana uu ifka kaga tagay xaas iyo caruur.
Haddaba, annagoo ka murugeysan , kana tiiraanyeysan geerida Marxuumka, ayaa waxaan Allah uga baryeynaa inuu u naxariisto,Aamiin… Aaamiin.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN

SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨
















Log in | Designed by Jimcale