Waxaa la aqristay: 240 Jeer.
Wariye Shuuriyaako oo Deeq lacageed la gaarsiiyey
Waxaa Qoray: Abdullahi Osman Farax "Raafac"

Wariye Saciid Warsame Shire (Shuuriyaako) ayaa maanta lagaarsiiyay deeq lacageed oo ka timid muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku nool dalka Mareykanka.
Wariye Shuuriyaako waxa uu ka mid ahaa dadkii ku dhaawacmay weerarkii qaraxa ismidaaminta ahaa ee ka dhacay Tiyaatarka qaraka Soomaaliyeed.
Deeqdaan oo gaaraysa 500 oo dollarka Mareykanka ayaa waxaa iska soo uruuriyey qaar ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaasi Mareykanka, kuwaas oo ka damqaday Xaaladda Wariye Shuuriyaako waali ku jira mid ka mid ah isbitaallada Magaalada Muqdisho.
Deeqadan lacageed ee maanta la guddoonsiiyey wariye Saciid Shuuriyaako ayaa loo soo wakiishay inuu gaaarsiiyo agaasimaha Warbaahinta Dowladda C/raxmaan Yuusuf Sheekh Al-cadaala isagoona guddoonsiiyay lacagtaas loo idmaday.
C/raxmaan Yuusuf Sheekh Al-cadaala ayaa halkaasi ka sheegay in deeqdaasi lacageed ay ka timid dhalliyaro Soomaaliyeed oo ka damqaday dhibaatada haysata walaalkood Shuuriyaako.
Fakarkaaga ka dhiibo
SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN
SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨
Men and women has to be rewarded for their fantastic achievements…