Waxaa la aqristay: 419 Jeer.
Wariye Cabdi Xareed Cismaan Aadan oo maanta lagu aasay Muqdisho (Daawo Sawirrada)
Waxaa Qoray: Abdullahi Osman Farax "Raafac"
Allaha u naxariistee waxaa magaalada Muqdisho maanta lagu aasay Wariye Cabdi Xareed Cismaan Aadan oo ka howlgalayey Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho kaas oo saaka kooxo hubeysani ku toogteen Degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.
Wariyaha ayaa kooxo hubeysani waxa ay ku weerareen xilli uu ku sugnaa Degmada Wadajir ee gobolka Banaadir halkaas oo rasaas ay la dheceen kaddib dhaawac ahaan lagu gaarsiyey Isbitaalka Madiina ee Muqdisho oo uu ugu dambentii ku geeriyooday.
Dadweyne aad u fara badan, Bahada Saxaafadda Muqdisho iyo qaar ka mid ah Ehelkiisa ayaa ka qeyb galay Aaska Marxuumka Waxaana Salaadii Janaasada lagula tukaday gudaha Isbitaalka Madiina oo uu ku geeriyooday.
Marxuumka ayaa waxaa lagu aasay dhabarka Dambe ee Isbitaalka Madiina ee Muqdisho waxa uuna Allaha u naxariistee Wariye Cabdi Xareed Cismaan Aadan Ifka kaga tagay Caruur iyo Xaas uu lahaa.
Waxa uu noqonayaa Wariyihii ugu horreeyey ee lagu dilo Muqdisho sanadkan bilowga ah ee 2013.
Daawo Sawirrada
Fakarkaaga ka dhiibo
SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN
SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨






















Inaa li-laahi wa inaa ileyhi raajicuun waan kaxumahay xasuuqa wariya yaasha somaliyeed gaar ahaan kuwa shabeele waxaan usheegaa iney kuwiidilay wax xun kala kuli doonaan isha allaah eebe naxariistiisa haka waraabiyo waxaan u tacsi yeyna qarabadii uukatagay iyo xaaskii iyo caruurtii iyo shabkada warbaahinta shabeele
Allaha unaxaristo