Waxaa la aqristay: 862 Jeer.
Wararkii ugu dambeeyay Qoys Soomaali ah oo loo la’ yahay guri ay ka wada deggaan.dalka Maraykanka
Waxaa Qoray: Naciimo M. Abdi
Hay’adda Samafalka ee World Relief Spokane oo ah Urur aan faa’ido-doon ahayn (Non-profile 0rganization) oo ka shaqeysa Dib-u-dejinta Qaxootiga Shisheyaha ee yimaada dalka Maraykanka, ayaa dhakafaar ka qaaday sidii ay hal qoys oo Soomaali ah ugu heli lahaayeen Hoy ay si wadajir ah ugu wada noolaadaan.
Hay’adda ayaa sheegtay inay hawl kheyrul-caadi ah ku noqotay sidii ay Qoys ka kooban 11-qof ugu heli lahaayeen Guri ku wada filan.
Qoyska Aabe Kayse oo dhawaan dalka Maraykanka ka helay dib-u-dejin, kadib, markii ay muddo dheer ku noolaayeen Xeradda Qaxootiga ee W/bari ee dalka Kenya.
Qoyskaasi ayaa yimid dalka Maraykanka, kadib, markii ay Waaxda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka u fidisay Dib-u-dejinta, iyadoo ay Reerkaasi soo mareen baaritaanno dhinacyadda caafimaadka iyo taariikhdooda qaxootinimo.
Qoyskaasi waxay imaanshahooda Maraykanka u ahayd Riyo ay ku hamin jireen, inkastoo Reerkaasi.weli loo la’ yahay guri ku filan oo ay wada deggaan.
Reerkaasi oo ka kooban aabe, hooyo iyo 9 carruur oo ay dhaleen oo da’doodu u dhexeyso 4 jir ilaa 21-jir, iyadoo ay Carruurtaasi nolosha oo dhan u arki jireen tan Xerooyinka Qaxootiga ka jirta oo kale.
Markii ay Reerkaasi yimaadeen Maraykanka, waxay Hay’adda World Relief Sokane waxay Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka ka heleen Qandaraas Reerkaasi loogu sameynayo Dib-u-dejin ( to resettle the family), wacayna Hay’addu bilowday sidii ay Reerkaasi ugu heli lahaayeen Dhismo la wada dejiyo.
Hay’addu waxay sheegtay inaysan mushkilladu ahayn kirdda guriga, balse ay tahay cabirka guri ay ku wada noolaan karaan.
Nolosha Dalka Maraykanka wey ku adkaataa Reeraha cusub ee aan lahayn wax Kaararka Deynta ‘Credit Cards’, taasi ayaan kalliftay in Reerka cusub ee Somalia waxaa haatan la kala dejiyey labo Hotel, inkastoo ay dhibaato ku noqotay sidii ay isaga warqabi lahaayeen.
Sidoo kale, Reerkan cusub oo aan haatan lahayn wax Cinwaan Rasmi ah loogu soo hagaago ‘Permanent Address’ ayaa waxay caqabad ku noqonaysaa nolosha deggan ee Reerka iyo sidii carruurtooda u aadi lahaayeen Dugsiyadda, si loo baro luqadda Englishka.
Xigasho:- KREM.com
Waxaa Turjumay:- Ustaad Nuradin Abokor Ahmed ‘Diini-Yare;
Freelance Journalist.
Fakarkaaga ka dhiibo
SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN
SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

sheeko bilowgeed waaye ilmahaa mar mar siiyo lo raad sanoyaa illaah ha bad badiyo