1: Sunday, February 3, 2013 - 14:22:36
2: 145 Jeer.

Walcott “Riyadeydu waa inaan afka hore uga ciyaaraa xulka England”

Waxaa Qoray:

theo kXidiga sare ee wadanka Ingriiska Theo Walcott ayaa sheegay in uu jeclaan lahaan in uu weerar toos ah uu uciyaaro xulka Ingriiska .

“Waa riyo run ii noqon doonta hadii aan weerar toos ah uciyaaro xulka Ingriiska laakin go,aanka waxaa leh tababare Roy Hodgson ayuu Theo usheegay talkSPORT.

Laacibka kooxda Arsenal ayaa sanadkaan waxaa ay kooxdiisa ka dhigto mid ka ciyaara afka hore waxaana uu shabaqa soo taabtay 18 jeer tartamada oo dhan.

“Kani waa baaq iyo dooq ,waxaan aad ugu farxi lahaa in aan ciyaaro weerar toos ayuu hadalkiiaa ku daray laacibkii hore ee kooxda Southampton

Lama oga in uu tababare Roy Hodgason aqbali doono dalabka 23 jirkaan iyadoo England ay asbuucan la ciyaari doonto Brazil kulan saaxiibtinimo.

Wayne Rooney ayaa ah weeraryahanka koowaad ee wadanka Ingriiska .

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed

¨
















Log in | Designed by Jimcale