Waxaa la aqristay: 234 Jeer.
Waalidiinta soomaalida ku nool Dalka Kanada oo walaac ka muujiyay Is-dilka dhalinyarada.
Waxaa Qoray: Naciimo M. Abdi
Inta u dhexeysa Magaalooyinka Ontario iyo Alberta ee Dalka Kanada ayaa waxay noqotay Deegaano inta badan ay isku dilaan Dhalinyaradda somali – Canadian.
In kabadan 50-Dhalinyaro ah ayaa isku dooxday islamarkaana u geeriyooday iska hor imaad ka dhex dhacay Kooxo soomaali ah, kuwaasi oo u badnaa kuwo isticmaali jiray Muqaadaraadka.
Waalidiinta Soomaalida ku nool Kanada ee wiilashooda ku dhinteen iska hor imaadyadaasi ayaa ugu baaqay Dowladda Dhexe ee Kanada in ay sameyso Ciidan Qaas ah oo ka hor taga is-tooreynta Dhalinyaradaasi.
Duqa magaaladda Toronto Josh Matlow ayaa dhawaan sheegay inuu ka walaacsan yahay xiisadaha is-dilka ee dhex mara Dhalinyarada Somalia – Canadian.
waxa uu sheegay in loo baahan yahay in xal loo helo isagoo sheegay inan la daawan karin waxa ka dhacaayo wadooyinka aynu ku noolnahay.
Josh Matlow oo shir Jaraa’id qabtay ayaa sheegay in kabadan 50 Dhalinyaro somali Canadian ah la dilay dhowrkii sano ee lasoo dhaafay, wuxuuna ku baaqay in leyska kaashado sidii looga hortagi lahaa Dhaqanka Noocasi ah.
Dhinaca kale waalidiinta ubadkooda lagu dilay Is-tooreynta dhalinyaradda ayaa iyaguna soo saaray 5-Shan qodob oo ay ku muujiyeen in wax looga qaban-karo muranka dhalinyaradda is dishay.
inta badan Dhalinyarada soomaalida ee ku nool Dalka Kanada ayaa ah kuwo isticmaalo Muqaadaraadka islamarkaana Koox koox u dagaalamo.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN
SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨
