Waxaa la aqristay: 1,050 Jeer.
Waa sidee dhaawaca soo gaaray Van Persie ? + DAAWO SAWIRADA
Waxaa Qoray: Abdullahi Osman Farah
Kooxda Manchester United ayaa dareemeysa cabsi xoog leh kadib markii uu dhabarka dhawac ka gaaray laacibka xulka Holland Robin Van Persie kulankii ay caawa kaga hor jeeden kooxda QPR .
Weeraryahanka lugta bidix ku ciyaara ayaa ku dhacay kaamiro taalay darbiga garoonka markii uu la dhacay laad uu ku tuuray gool hayaha QPR ,kadib baas ka yimid Rafael .
Van ayaa laga saaray ciyaarta daqiiqadii 41 aad ,waxaana lagu badalay Denny Welback .
Tababare Ferguson oo goordhow hadlay markii ay dhamaatay ciyaarta waxaa uu sheegay in uu hadal xun yahay dhawaaca Van Persie laakin ay xalada ka hadli doonan baaris kadib.
“Waxaan dareemaya in aysan xaaladiisu halis aheyn laakin aan kawar sugno dhaqaatiirta ayuu yiri Ferguson.
Taageerayasha Red Devills ayaa maanka ku haya kulanka Real Madrid ee 5-ta bisha soo aadan.



FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN
SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨